War rasmi ah oo kusoo kordhay 7 xubnood oo la sheegay in Muqdisho la siinayo & qaabka loo qaybinayo?

0

(Muqdisho) 05 Juun 2020 – Senatarka Dr Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah Guddiga Isku-dhafka ah ee Diyaarinta Doorashooyinka, ayaa beeniyay war maalmahan la isla dhex marayo oo ku saabsan xubo 7 ah oo la sheegay in lasoo jeediyey inay Gobolka Banaadir ku metelaan Baarlamanka qaybta Aqalka Sare.

Dufle ayaa hoosta ka xarriiqay in labada arrin ee aad loo hadal hayo aanay ahayn sida ay dadku u fasirteen, balse 7-da xubin ay sugeeyso meel marin Baarlamaani ah, halka uu gebi ahaanba meesha ka saaray warka sheegaya qaabka xubnahaa loo qaybinayo.

“Waxaan caddaynayaa inaysan waxba ka jirin warka sheegaya in aan soo jeedinney in 4.5 lagu qaybinayo xubnaha Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Dr Dufle.

“Haba yaraatee cid arrintaa soo hadal qaadday ma jirto, waayo ujeedku wuxuu ahaa in metelaad loo helo dadka degaanka ama 3-da milyan ee magaalada ku dhaqan.” Ayuu daba dhigay.

Dad badan oo waxgarad ah ayaa soo jeediyey in ay khasab tahay in ay Muqdisho metelaad weliba 7 ka badan hesho, balse loo baahan yahay inay meesha ka baxdo dood kasta oo qabyaaladaysan.

Hadalsame Media