Dood cusub oo kasoo yeertay Siciid Deni & 4 qodob oo ay ku khaldan tahay (Hal arrin oo baraarug looga doonayo siyaasiyiinta)

0

(Hadalsame) 05 Juun 2020 – MW Maamul-goboleedka Puntland ee Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray hadal is burrinaya, isaga oo sheegay inuu saluugsan yahay ”doorashada ay qaban karaan dad lagu soo xulay 4.5.

“Waxaan ka digayaa in nidaamka 4.5 laga dhigo dastuur laguna saleeyo wax walba awood qeybsiga qabiil iyadoo sharci adag laga dhigayo, waxaa ka dhalan kara inuu wadanku dib u laabto” ayuu yiri Deni oo warbaahinta la hadlay.

Aahay, waa maqalnay, waa markii 2-aad ee todobaad gudihii uu Deni is daba dhigayo diidmo iyo hanjabaad ku aaddan ”dal baa dib u laabanaya”, taasoo ah doodo daallan oo aysan dadka Soomaaliyeed ee dacdarraysan baahi iyo xiiso badan u haynin.

Soomaalida maanta waxaa ugu liita siyaasigii dagaal wax ku raadin maaga, maadaama aan la joogin 1978-kii, 80-kii ama 90-kii oo aysan dadku aqoon iyo waaya aragnimo ridan u lahayn JABHAD & DAGAAL SOKEEYE. Maanta dabkaa waaba ku dul taagan yihiin, waxa ay doonayaanna waa inay ka durkaan oo ay ka didaan, ma aha in loogu baaqo, mana qabo inay qaadanayaan casuumaaddaas cilladaysan.

Yeelkeede, marka laga soo tago sida ay u khaldan tahay in Guddiga Doorashada lagu cilleeyo in 4.5 lagu soo doortay, sidii taayoo aynaan taas horay u ogayn, ama aysan kuba dhidnayn dhamaanba hay’aadka DF Somalia, waxaa kasii daran inaysan jirin goor ay dadku og yihiin oo laga guurey hannaanka 4.5.

Haa, waa run 4.5 iyo in qof qabiil dartii wax lagu siiyo ama qabiilku u shaqeeyo sidii hay’ad qaran (national institution), waa wax aad u kharriban oo u baahan in laga gudbo, lagana gudbi doono dabcan, marka ay xoogaysto dowladnimada dhismaysa.

Laakiin Deni waxaa ka khaldan dhowr arrimood oo ay ugu waawayn yihiin:

1 – Marka hore haddii la doonayo in nidaam la bedelo waa in si niyad furan iyo heellanaani ku jirto la iskaga kaashadaa beddelkiisa, halka Deni uu wax kasta uga jawaabayo ”waa diidey”, taasoo isaga ka dhigaysa qayb ka mid tahay sababaha loo gudbi la’yahay.

2 – 4.5 waa marxalad la marayo, sidaa darteed, cidna ma inkiri karto inay jirto, isaga Deni ah wuxuu isu sharraxay Madaxwayne qaran isaga oo raacaya nidaamka 4.5, halka Maamulkiisa laftiisu uu ku dhisan yahay 4.5, isla markaana aanu muujin wax isbeddel doon ah oo ku aaddan inuu gobolka uu xukumo ka baabi’iyo.

3 – Waloow 4.5 ama 5 haddii laga dhigo ay khaldan tahay oo ay dad dareensan yihiin inay ku sad-bursadeen, dadna lagu qadiyey, misna xitaa kuwa la qadiyey waxay ugu yaraan haystaan QOONDO meel u saaran oo aan laga qaadan karin, taasoo aan la hubin in ay berri heli doonaan haddii doorasho la galo, marka inta aan laga gudbin waa in meel la saaraa xaqa dadkaas.

4 – Marka aan hay’ad ku cilladaynayno inay 4.5 ku timid waa inay tahay goor aannu ognahay in hannaankaa laga gudbey oo ay hay’addani dib ugu laabatay, wax laga gudbey, balse inta qofku saxaafadda qabto ma aha inuu iska shaydaameeyo nidaam jirey oo aynaan ogayn goorta la bedeley.

Haddii aan isku soo xooriyo, waxaan madaxda Soomaalida xusuusinayaa inay dhinacyada eegaan oo dareemaan inay isa sii seegayaan iyaga iyo shacabku, waayo marka aad eegto qaabka ay u dhisaalan tahay doodda siyaasiyiintu, ma laha wax badan oo nuxur ah oo aan ka badnayn khilaaf raadin, hebel ku jiqsiin, xaasidnimo, umad kala qaybin, doodo heer hoose ah, qabyaalad ku hadlid iwm.

Waxaana runtii muuqata inay shacabku kasii daalayaan doodaha noocaas ah oo ay u baahan yihiin horusocod iyo wax qabsi, si ay Somalia u gaarto halka ay istaahisho awooddeedana ay leedahay, maadaama uu dalku leeyahay khayraad, fursado iyo istaraatijiyad aad u fara badan oo aan weli far la saarin, lana saari doonin, inta ay doodda siyaasigu halkaa hoose ee khiyaaliga ah mareeyso.

Tifaftirka

Hadalsame Media