DAAWO: Koox hubaysan oo HALIS ah oo la ogaadey inay ku dhex dhuumanayso dibedbaxyada Maraykanka (Ujeedkeeda oo la ogaadey)

0

(Minneapolis) 05 Juun 2020 – Waxaa Maraykanka kasoo shaac baxday koox cusub oo midigta fog raacsan, taasoo aan kaliya wadanin magac silloon, balse sidoo kale door wayn oo agaasiman ka qaadanaysa rabshadaha iminka ka holcaya Maraykanka ee ka dhashay arxan darradii loo diley George Floyd.

Halkan ka daawo doorka Soomaalida ee dibedbaxyada Maraykanka

Dadka raacsan kooxdan sida debecsan u abaabulan ee lagu magacaabo “Boogaloo” ayaa ah dhaqdhaqaaq rumaysan in dowladda la tuuro oo dagaalkii sokeeye ee 2-aad laga oogo dalka Maraykanka.

Waloow aan koox qura lagu eedayn karin qalalaasaha ka dhashay dilkii dhibbane George Floyd, waxay saraakiisha amaanku sheegeen inay “rabshad wadayaal dibadeed”, kuwaasoo doonaya inay afduubaan ujeedka dibedbaxyada.

4-tii bishan Juun oo shalay ahayd, waxaa la qabtay 3 nin oo ka tirsan Boogaloo, kuwaasoo xirey ama lagu qabtay magaalada Las Vegas, Nevada, iyaga oo ku eedeeysan ”falal argixiso.”

Asalka magacooda?

Kooxdan oo magacooda laga soo ergeystey film 80-kii la sameeyey oo “Boogaloo” la yiraahdo, ayaa aad u danaynaysa nidaam la’aan iyo dagaal sokeeye oo la rido.

Xubneheeda oo loo yaqaanno “Boogaloo Boys” ama “Boogaloo Bois”, ayaa badiyaa lagu arkaa iyagoo garraarsan qoryaha daran doorriga u dhaca iyo dharka taatikada, iyagoo sheegaya inay taageerayaan dibedbaxayaasha, balse waxaa u qarsan “aragtiyo xag-jirsan oo halis ah”, sida ay warbixintu sheegayso.

Tibixda “Electric Boogaloo” ayaa loo adeegsadaa walxaha tayada hooseeya, balse marna horay looguma adeegsan siyaasad iyo rabshad gacan ka hadal leh midna, balse tan iyo Oktoobar 2019-kii aad buu eraygani u shaacay.

Waxaa arrintan sii huriyey kaddib handaraabkii lasoo rogey xilliyadan karoonaha oo dad badan oo dhaqdhaqaaqan ka tirsan siiyey fursad iyo sabab ay caradooda ula aadaan nidaamka oo ay ku doodayaan inuu xorriyaddii ka qaaday.

Bishii Abriil, dibedbaxayaal ayaa soo qaatay baannarro ay ku dhignayd farriin u qornayd “Xorriyad ama Boogaloo” kuwaasoo ku sugnaa magaalada Concord, New Hampshire.

9-kii Maajo dibedbaxayaal ku sugnaa Raleigh, North Carolina, ayaaa samaystay guruub Facebook ah oo la yiraahdo “Blue Igloo” –  taasoo keentay inay booliisku baaritaan ku sameeyaan, kaddib markii ay si fool ka fool ah ula faltameen.

Si kastaba, waxaa weli lagu jahawareersan yahay oo weli deg deg ah in la sheego inuu isku aragti 100% yahay dhaqdhaqaaqa Boogaloo iyo inay jiraan dad aan fahamsanayn ujeedkooda oo ku siran, waayo waxaa la arkayey qaar sita boor ay ku qoran tahay “Boogaloo waxay la jirtaa George Floyd”.

Halka misna kooxdani u badan tahay dad raacsan aragtida ”isla sarreeynta caddaanka” oo aragtiyo kale oo gurracan cayrsanaya.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media