Ciidamada Xaftar oo ka cararay gawaari gaashaaman oo uu Imaaraadku siiyey (Turkiga & Libya oo kulmay)

0

(Ankara) 04 Juun 2020 – Gaari gaashaaman oo uu Imaaraadku siiyey malliishiyaadka Khaliifa Xaftar ee LNA ayaa ku gaddoomey aagga Fam Molga, oo ah albaabka galbeed ee magaalada Tarhuna, mar ay ka baxsanayeen Ciidamada Dowladda Libya ee GNA.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay Ciidamada GNA ay gebi ahaanba la wareegeen gacan ku haynta caasimadda Libya ee Tripoli, maalin kaddib markii ay qabsadeen Garoonka Diyaaradaha Tripoli.

Dhanka kale, Madaxa Golaha Madaxwaynaha ee Libya, Fayez Al-Sarraj, oo maanta kulan la qaatay MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan oo ay Ankara isku arkeen, ayaa sheegay in Dowladda GNA ay doonayso inay wada qabsato Libya oo gacanta kusoo dhigto dembiilayaasha, sida uu yiri.

Al-Sarraj ayaa sidoo kale sheegay inay Libya dharareeyso inay dalkeeda kusoo noqdaan sharikaadka Turkiga ah ee ka qayb qaadanaya dib u dhiska kaabayaasha burburay ee dalkaasi, isagoo Ankara uga mahad celiyey garabka ay siisey, xilli ay dunidu cidlaysay oo ku daawanaysey Xaftar.

Erdogan ayaa isna sheegay in ay caawin doonaan Dowladda sharciga ah ee Libya, isla markaana aanay ogolaan doonin inay dalkaa xukumaan wax uu ku sheegay dilayaal iyo calooshood u shaqaystayaal.

Erdogan ayaa sidoo kale Libya u ballan qaaday inuu Xaftar ka hor istaagi doono inuu iib geeyo saliidda Libya, halka uu sheegay inay gacan ka siin doonaan baarista saliidda dalkaasi.

Hadalsame Media