Qarax ay maalin hore dad rayid ihi ku baaba’een oo la ogaadey inaysan ka dambayn kooxda Shabaabku

0

(Muqdisho) 03 Juun 2020 – Qarax maato lays ahaa oo ay ku le’deen dad saarnaa gaari caasi ah, isla markaana hal qoys oo tacsi u socda u badnaa ayaa waxaa kasoo baxaya wacaal cusub oo yaab leh.

Qaraxan oo 31-kii bishan ka dhacay agagaarka degaanka Xaawo Cabdi oo ku yaalla bartamaha Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ku dhintay dad badnaaa 10 qofood oo wada shacab ahaa.

War kasoo baxay dhanka DF Somalia ayaa iminka sheegaya in qaraxaa laayaanka ah ay maleegtey kooxda Daacish, si ka duwan warkii hore oo sheegayey inay qaraxan gaysatey kooxda Al Shabaab.

Qoraalka soo baxay ayaa sheegaya in Daacish ay sheegatey inay qaraxa iyadu ka dambeeysey isla markaana ay ku laysay ciidan ka tirsan kuwa DF Somalia, ha yeeshee, waxaa qaraxaa ku baaba’ay dad rayid ahaa oo biri ma gaydo ahaa.

Qaraxan ayaa waxaa ka gaabsatay kooxda Al-Shabaab oo aalaaba sheegan jirtey mas’uuliyadda qaraxyada, waxayna taasi muujinaysaa inuu rajaxan yahay warka ah inay ka dambeeyso kooxda Daacish oo aan weli xoog badan ku lahayn koonfurta.

Daacish ayaa iminka ku xooggan meelo ka tirsan Gobolka Woqooyi Bari ee Somalia, waxayna koonfurta isku hayaan isla kooxda Shabaabka.

Hadalsame Media