Nin Soomaali ah oo ay Booliiska Otawa u dileen sida Floyd oo dacwaddiisa la furayo (Arag inta meelood ee ay labada shil iskaga eg yihiin)

0

(Otawa) 03 Juun 2020 – Jeer ay Ameerika ruxayso fadqalallo ka dhalatay dilkii George Floyd ay ugu gaysteen Booliiska Minneapolis, caasimadda Ottawa ayaa naqaysa dacwad ku saabsan dilka nin kale oo madow ah oo ay Booliiska magaaladu khaarajiyeen.

Ninkaasi waa Cabdiraxmaan Cabdi oo ah nin Soomaali ah oo lagu diley xaafadda Hintonburg ee Ottawa, Luulyo 24, 2016-kii, kaddib markii ay soo xiristiisa ay xoog dheeraad ah u adeegsadeen 2 askari oo ka mid ah Booliiska Ottawa.

Ninka dilkiisa ku eedaysan ayaa Maxkamad lasoo taagayaa 6-da Juun si markii ugu dambeeysey loo furo dacwaddan oo 3 maalmood socon doonta.

Waxaa lagu wadey inay dib u furanto bishii Abriil, balse dib ayaa loo riixay COVID-19 dartii, waxaana Daniel Montsion dacwadda ku oogaya Philip Perlmutter iyo Roger Shallow. Halka difaaciisa uu u taagan yahay Michael Edelson

Cabdi, oo qoyskiisu sheegeen in aanu dhimirkiisu saaxi ahayn ayaa Booliiska loogu yeerey iyadoo la sheegay inuu taataabasho ka sameeyey maqaaxi xaafadda ku taalla, deeto markii uu Booliisku yimid ayuu cararay waxayna kasoo qabteen meel 3 baloog u jirta maqaaxida oo gurigiisa hortiisa ah.

Sida Floyd waxaa Cabdi lagu riixay dhulka iyadoo geeridiisa ay duubeen dad naxsan oo jidka marayey, iyada oo uu daawanayo askarigii la socdey. Sida Floyd ninkan waxaa ka dhashay dibedbaxyo, waloow aysan dalka oo dhan ku baahin.

Daniel Montsion ayaa ku eedaysan dil, weerar uu u bareeray iyo adeegsiga hub ay ku jireen gacmo gashi biro adag leh.

Hadalsame Media