DAAWO: Adeeg durba waxtarkiisa la dareemay oo kusoo kordhay magaalada Muqdisho

0

(Muqdisho) 03 Juun 2020 – BECO, oo ah sharikadd koronto ee ugu ballaarand dalka Somalia, ayaa si rasmi ah u bilowday soo saarista koronto laga dhalinayo qorraxda.

Beertan cusub ee la dhigay qalbacyada ururiya kulka qorraxda ee misna u bedela tamarta korontada ayaa waxay isku xiran yihiin ilaa fogaan aysan ishu qabanayn.

Maxamed Faarax oo ah Madaxa Farsamada ee Wershaddan cusub ayaa sheegay inay ilaa bishii Maarso soo saarayeen koronto dhan ilaa 8 Mega Wats, balse ay gaarsiin doonaan ilaa 100 Mega Wats, marka la gaaro 2022.

”Waxaan sanadkii helnaa wax ka badan 3,000 oo saacadood oo qorrax ah, halka Yurub oo hesha wax ka yar 1,000 saacadood ay leeyihiin koronto qorraxeed,” ayuu Faarax ku yiri Reuters.

Somalia oo kasoo kabanaysa dagaallo sokeeye, ayaan weli lahayn koronto heer qaran ah, iyada oo ay magaalo kasta leedahay shirkad koronto oo gaar loo leeyahay oo korontada ka dhaliya matoorro ku shaqeeya shidaal.

Korontadan cusub ee qorraxda laga dhaliyey ayaa durba rakhiisisay korontadii macaamiisha BECO ee Muqdisho oo horay u bixin jirey 0-49 cents halkii Kilo Wat saacaddii, balse iminka bixiya 0.36 cents oo qura.

Dal kasta oo u baahan inuu sameeyo horumar dhaqaale iyo mid bulsho ayaa u baahan inuu ka hormaro oo lacag jaban ku helo kaabayaasha ay korontadu ka mid tahay.

Hadalsame Media