”Waxaad tihiin doqomo!” – Trump oo kulan AFLAGAADDO ah khadka ugu qabtay madaxda Maamul-goboleedyada & mid usoo jawaabey! (Dhegeyso)

0

(Washington, DC) 02 Juun 2020 – Donald Trump ayaa shalay khadka la iska arko kulan kula yeeshay Barasaabyada Maamul-goboleedyada Maraykanka, kuwaasoo uu ku canaantay inay u jilacsan yihiin dibedbaxayaasha ka dhiidhinaya dilkii Floyd.

Trump oo kulankii oo idil u rogey ciyaar aflagaaddo ah ayaa Barasaabyada ku tilmaamay ”daciif iyo doqomo” u baahan inay u xaytaan sidii xoog loogu macaamili lahaa mudaaharaadka oo ay qaarkood rabshado wataan.

”Badankiinnu waxaad tihiin kuwa liita, dadka xira oo xabsi dhiga 10 sano, kaddib waxan oo kale arki maysaan,” ayuu ku yiri, sida ay soo xigatey Wakaaladda AP.

”Xaaladda xakameeya, haddii aydnaan xakamayn, way idin dul mari doonaan, waxaadna u ekaan doontaan sidii doqomo,” ayuu markale ku yiri, sida lagu faafiyey Fox News TV.

Barasaabka New York oo kulanka kaddib hadlayey ayaa sheegay in Trump uu doonayo in wax kasta xoog lagu xalliyo, isagoo marar badan ku gooddiyey inuu Ciidamada Millateriga adeegsan doono, iyadoo aanu sharcigu si toos ah u saamaxaynin in ay soo galaan arrimaha maxalliga ah.

Sidoo kale Trump ayaa lagu dhaliilay inuu diiradda saarayo waxyaabo ay samaynayaan in yar oo mukharribiin ah, balse uu iska indha tirayo sababta dadka kicisay oo wax ka qabasho u baahan iyo inay jiraan dibedbaxayaal silmi ah.

Hadalsame Media