Shiinaha & Iiraan oo munaafaqnimo ku eedeeyey Maraykanka & xulufadiisa reer Galbeedka

0

(Hadalsame) 02 Juun 2020 – Maraykanka oo badiyaa caalamka u booliiseeya kuna canaanta in lagu xadgudbey ”xuquuqul insaanka”, ayaa waxaa haatan ka socda falal ka dhan ah xuquuqaha madaniga ah ee ay shacabku u leeyihiin inay ra’yigooda muujiyaan, iyadoo MW Maraykanka laga dareemayo inuu doonayo inuu awood u adeegsado kala cayrinta dibedbaxayaal ka xumaaday dilkii George Floyd.

Dalalka haddaba ku diganaya Maraykanka waxaa ka mid ah Shiinaha iyo Iiraan oo aan Maraykanka saaxiibbo la ahayn.

Shiinaha ayaa Maraykanka horay ugu eedeeyay munaafaqnimo, isagoo sheegay in waloow uu buunbuuniyey sida ay Beijing ula dhaqantay dibedbaxayaasha Hong Kong aysan marna Beijing millateri u adeegsan la xaaliddoodda, si ka duwan Maraykanka.

Iiraan ayaa iyaduna u qanjiirisey Maraykanka, iyada oo uu Wasiir Dibadeedka dalkaasi uu labawejiilannimo ku eedeeyey reer Galbeedka, gaar ahaan Yurub oo ka aamusan waxa ka socda dalkaasi.

”Haddii ay Yurub doonayso inay arrintan ka aamusnaato, abidkeed sidan ha uga aamusto,” ayuu Twitter-ka kusoo qoray Javad Zarif.

Hadalsame Media