Ruushka oo Turkiga ka caawinaya farsamaynta dayuurado & gantaalo casri ah (Wada hadal socda)

0

(Moscow) 02 Juun 2020 – Turkey iyo Russia ayaa ka wada xaajoonaya inay wada fuliyaan qorshe lagu dhisayo hannaan dhanka daafaca cirka ah, sida uu sheegay Madaxa Hay’adda Farsamada Ciidamada ee Ruushka, Dmitry Shugayev.

Waxaa waxyaabaha ay ka wada hadlayaan ka mid ah inay wada sameeyaan dayuuradaha dagaalka iyo agabka daafaca cirka ee casriga ah, sida uu Shugayev u sheegay EkoTürk TV.

Shugayev ayaa sheegay inay Ruushanku sugayaan go’aanka daabulidda qaybta 2-aad ee gantaalaha S-400 oo ah hannaanka daafaca cirka ee haatan ugu casrisan.

Heshiiska Ankara-Moscow ee S-400 ayaa la saxiixay bishii Abriil 2017-kii, markaasoo ay labada dhinac qalinka ku aaseen qandaraas ku kacaya $2.5 bilyan oo dollar oo ay Turkigu ku iibsanayaan laba batari oo ah gantaalaha S-400.

S-400 waa midka ugu casrisan gantaalaha Ruushku sameeyo ee masaafada dheer wax ka duqeeya, wuxuuna shaqaynayey tan iyo 2007-dii.

Hadalsame Media