GALKA BAARISTA: Maxaad ka ogtahay hardanka siyaasadeed ee Gobolka Gedo? (Dhegeyso)

0

(Beled Xaawo) 02 Juun 2020 – Waxaa muran siyaasadaysan laga dhaliyey Gobolka Gedo oo ay muddo gacanta ku hayeen hoggaamiye kooxeedyo kala dambeeyey, kuwaasoo uu ugu dambeeyey Cabdirashiid Janan oo la sheegay inuu ka ”baxsaday” meel ay ku haysey DF Somalia.

DF Somalia ayaa deeto Gedo oo uu doonayey inuu dib ugu laabto ka hor degtey, iyadoo sidoo kale kaga adkaatay dagaal uu kasoo qaaday dhanka Kenya oo isaga taageerta.

Waxaa kaddib afka furtay qaar ka mid ah qolyaha mucaaradka oo DF ku eedeeyey inay Ciidanka Xoogga u dirtay gobol uu doonayo inuu dal shisheeye saamayn ku yeesho, taasoo ay dad badani ku tilmaameen siyaasad foolxun, maadaama ay qaar ku doodeen in Ciidanka SNA laga soo saaro Gedo oo ka mid ah gobollada dalka ee ay xaqa u leeyihiin inay tagaan ama joogaan.

Barnaamijka Galka Baarista waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay xiisadda amni ee ka jirta gobolka Gedo iyo cawaaqibka hardanka gobolkaas uu ku yeelan karo hanaanka federaalka Soomaaliya. Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.

Haddaba, halkan hoose ka dhegeyso barnaamijka Galka Baarista ee VOA oo maanta lagu eegayo moowduucaasi. Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.

Hadalsame Media

Facebook Comments