Booliiska Maraykanku hal sano ayay 600 dileen, waxaase jira dal caan ah oo aysan Booliiskiisu hal qof dilin muddo 10 sano ah

0

(Hadalsame) 02 Juun 2020 – Xilli ay Maraykanka ka holcayaan mudaaharaadyo ka dhashay dilkii loo gaystey George Floyd, dalka Norway ayaanba inta badan wax qori ah adeegsan, sida ku cad warbixin hore oo lagu daabacay Newsweek.

Dalkan dhaca Scandinavia ayaan Booliiskiisu hal qof tooganin muddo ku dhow 10 sanadood ah, iyadoo warbixintan la qoray 2015-kii, waxay markii ugu dambeeysey ee ay ciidamada Norway qof dilaan ayay ahayd 2006-dii.

Yeelkeede, Booliiska Norway ayaa 10-guuradii dhaafi waayey, waayo waxay toogasho ku dileen nin 35-jir ahaa oo ku noolaa magaalada Kristiansand, taasoo ahayd dhacdo naadir ku ah dalkaasi.

Waxaa ugu darnayd markii uu ninkii argagixisada ahaa ee Anders Breivik rasaas oodda kaga qaaday dad ku sugnaa gasiiradda Utöya 2011-kii, balse ay Booliiskii meesha ku baxay ay u jawaabeen, waxay se ahayd hal xabbo oo qura.

Booliiska Norway ayaa la sheegay in sanadkii 2014-kii ay 42 jeer qoriga lasoo bexeen, balse ay xabbad ka rideen 2 jeer oo qura. Weliba labadaa jeer qofina waxba kuma noqon.

Sanadkii warbixintan la daabacay ee 2015-kii oo qura, waxay Booliiska Maraykanku dileen 600 oo qofood, halka Norway uu si la mid ah UK, aanay shaqada Booliisku u baahnayn in qori la qaato marka la roondaynayo, haddii aanay xaaladdu ahayn mid colaadeeysan oo halis ah.

Hadalsame Media