”Waxaan quudinnaa dibed-baxayaasha!” – Saxaadadda caalamka oo aad u hadal haysa sida ay Soomaalidu uga dhex muuqato dibed-baxyada Minneapolis (Warbixin aan soo ururinnay)

0

(Minneapolis, MIN) 01 Juun 2020 – Bulshada koonfurta Minneapolis ayaa caro la qaacay kaddib markii jilib lagu ceejiyey nin madow ah oo weliba ku cataabaya ”ma neefsan karo”, kaasoo ahaa George Floyd.

Waloow diiradda la yara saaray da’yar Soomaali ah oo dukaanno wax ka dafay ama kuwo kale oo dibed baxyada la tegey calanka dalka Somalia, oo labaduba ah laba arrimood oo aan u qurqusamin Soomaali badan, misna waxaa dadka dilkaa Floyd ka dhiidhinaya ka mid ah Soomaalida Maraykanka oo door muuqda ka qaadanaysa halganka dadka madoow ay ugu jiraan helitaanka xuquuq madani ah oo loo siman yahay, sida lagu qoray MEE.

Dhallinyarada Soomaalida ayaa raxan raxan usoo baxday, iyada oo uu aad u faafay gabar Soomaali ah oo bambada gaaska dadka ka ilmaysiisa dib ugu laadaysa booliiska rabshadaha la xaala.

“Anigu ma qaadi karo xanuunka dadka madoow wajahayeen, kuwaasoo muddo dheer halkan joogey, balse ugu yaraan isku jir baan nahay,” ayay tiri Asma Jaamac.

Crowds standing in demonstration in a Minneapolis street.
bartahama Minneapolis

Meesha Floyd lagu diley ayaa xiriir gaar ah la leh Soomaalida, waayo waxaa ugu yaalla meherado fara badan sida ganacsiyo, bakhaarro iyo makhaayado, sida ay sheegtay Anisa Maxamad, oo ka mid jaalliyadda Minneapolis.

“Waa wax wanaagsan in la arko Soomaali badan oo isu soo baxday,” ayuu yiri Cali oo ah sawir qaade, oo sheegay inay muhim tahay maadaama ay meesha ay wax ka dheceen ay Soomaali badani ku nooshahay.

Madow cirqi ahaa, misna Muslim caqiido ahaan

Minneapolis waxaa ku nool jaalliyadda ugu ballaaran ee Soomaali ah gudaha Maraykanka, sida ku cad sahankan oo ay samaysay American Community 2017-kii, iyagoo soo hor yeeshay 1980-kii, balse ay intooda badani soo degeen 1990-meeyadii.

A man holds a sign reading "Justice for George Floyd" in front of a burning building.
Dibad-bexe baannar u taagaya Booliiska Minneapolis

Da’yarta Soomaali Maraykanka ah ayaa hiillo u muujisay dhaqdhaqaaqa Black Lives Matter, gaar ahaan markii ay arkeen cunsuriyadda hay’adeed ee abaabulan, gaar ahaan midda ku dhacaysa gacmaha hay’aadkii sharciga oogi lahaa, sida Booliiska. Marka aad madow iyo Muslim isku tahayna kuma soo jirto.

“Soomaalidu waa Madow, sidaa darteed, askari xumi wax farqi ah uma jeedo, wuxuu u jeedaa madow, haddana marka uu magacaaga maqlo, cunsuriyadda wuuba la bareerayaa,” ayuu yiri Yuusuf, oo u tartamayey Koongarayska kahor intaanu ka harin oo aanu taageerin Ilhaan Cumar, isagoo haatan leh hay’ad warbaahineed oo luuqado badan ku hadasha oo iminka duubaysa dibed baxyada.

Madow-nacayb Muslimka ka dhex jira

Marka bikaacyo dhinacyo badan wax ka arkaya lagu eego, Soomaalida lafteeda ayaa midab takoor kala kulanta Muslimiinta kale ee halkaa ku dhaqan, iyagoo ka soocan Muslimiinta kale iyo caddaanka soo Muslimay.

”Haddii aad doonayso inaad kacaanka ka mid noqoto, annaga Muslimka ihi waa inaan fariisannaa oo fahamnaa inay dhibaatadu lafteenna na kala haysato’– ayay ku doodday Asma Jaamac, oo ah gayfane maxalli ah

“Waxaan qabaa inay dad badani markaa eegayaa Carabta oo ay leeyihiin, ”haye, waxaad u baahan tihiin inaad arrintan wax ka qabataan,” ayuu yiri Cali oo sheegay inay Soomaalida lafteedu takoorka iskula kacdo, balse aysan ka hadlin.

”Ha gubto gurigaygu anigoo gob ah!”

Soomaalida ayaa gacan wayn ka gaystey inay cuntooyin ugu deeqaan dadka dibed baxaya. ”Haddii aad aragto dibed bexe moos cunaya, waxay u badan tahay inay ku deeqeen ganacsiyada Soomaalidu,” ayuu yiri Cali.

Protesters stand with signs along the side of a road.
‘George Floyd wuxuu doonayaa cadaalad’

Ilhan Omar, oo Koongarayska ku metesha isla degmada Floyd lagu diley ayaa Jimcihii qaraar ay ku taageertay Ayanna Pressley gaysey Koongarayska, kaasoo dhaleeceeynaya arxandarrada booliiska, gaar u beegsiga isirka madow iyo adeegsiga xoogga xad-dhaafka ah ee hay’aadka fulinta sharciga.

“Min addoonsigii ilaa dilalkii Jim Crow, dadka Madowga ah ee dalkan waxaa qarniyo lagula dhaqmayey arxan darro insaaniyadda ka baxsan,” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Asma Jaamac ayaa sheegtay in dilka Floyd uu furayo dood qaraar oo ku saabsan sida ugu dambayn ay tahay in loola xaalo cunsuriyadda hay’adeed ee agaasiman, dulmiga isiraysan, dib u habaynta hannaanka cadaaladda ama guud ahaan xuquuqda madaniga ah iyo arxan darrada booliiska.

“Waxaan dareeensan ahay inay dibed baxyadani kacaan yihiin, mase aqaanno sida ay ku dhamaan doonaan,” ayay tiri Asma.

*Magacyada qaar waa la bedeley si loo ilaaliyo haybta dibed baxayaasha.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media