MW Somaliland oo xarigga ka jaray kaabe muhim u noqon doona Somaliland + Sawirro

0

(Berbera) 01 Juun 2020 – Waxaa xarigga laga jaray jidkii isku xirayey Berbera iyo Hargaysa oo dib loo dhisay, taasoo uu furay MW Somaliland, Md Muuse Biixi.

Jidkan cusub ee casriga ah ayaa muhim u ah isku xirka shixnahada iyo badeecooyinka kasoo dega Dekedda Berbera  ee u kala socda Hargaysa iyo ka shishe.

Jidkan oo la yiraahdo ”Berbera Corridor” ayaa waxaa gacanta ku hayey Wakaaladda Jidadka Somaliland oo maalgelin ka heshay Imaaraadka Carabta, oo sidoo kale haatan ballaarin ku wada Dekedda Berbera, mashruuc ay ku baxayso $442milyan oo doollar.

Waxa uu ujeedku yahay in Dekedda Berbera ay noqoto hab caalami ah iyo mid gobol, isla markaana ah mandiqad canshuurta ka caaggan (Economic Free Zone) oo buuxin karta baahida ballaaran ee dalka bad-xiranka ah ee Itoobiya, Suudaanta Koofureed iwm.

Ha yeeshee, jidka oo guud ahaan loogu tala galay inuu jaro masaafo dhan 259km, waxay qaybtan la furay ay jiidan tahay 12km oo 3 sano dhismeheeda la wadey.

Heshiiska mashruucan oo ay Somaliland la gashay DP World ayaa waxaa ka taagan muran dhanka sharciyadda ah, iyadoo ay DF Somalia ay Imaaraadka ku eedaysay faragelin, taasoo keentay inuu madmadow galo xiriirka labada dal.

Hadalsame Media