Kenya Airways oo ku dhawaaqday xilliga ay dib u bilaabayso duullimaadyada (Somalia maku jirtaa?)

0

(Nairobi) 01 Juun 2020 – Kenya Airways (KQ) ayaa lagu wadaa inay todobaad kaddib dib u bilowdo duullimaadyadii marka la gaaro 8-da bishan Juun 2020, xilli ay Wakaaladda Garoomada Kenya (KAA) ay diyaarinayso hab-raacyada fayadhowr ee rakaabyada.

Waxaa fadhiya inta badan 36 dayuuradood oo ay ku jiraan 9 xabbo oo ah kuwaa waawayn ee Boeing 787 Dreamliners, 10 Boeing 737 iyo 17 Embraer, oo ay leedahay KA, tan iyo 25-kii Maarso, si loo xakameeyo caabuq-sidaha coronavirus.

Wasiirka Gaadiiska, James Macharia, ayaa the Star u sheegay in soo celinta duullimaadyada uu la socon doono hab-raac caafimaad oo aad u adag, kuwaasoo ay ku jiraan in lakala fogaado xilliyada jeeg garaynta, sugitaanka, jeermis-dile la isticmaalo, iyo kuraasida dhexe ee dayuuradda oo bannaanaan doona.

Waxaa sidoo kale madax gundhin laga sugi doonaa WHO iyo Jamciyadda Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka ee IATA.

KA ayaa doonaysa inay marka hore soo celiso duullimaadyadii maxalliga ahaa ee gudaha Kenya, kaddibna gobolka ku faafto sida dalalka Tanzania, Uganda, Rwanda, Ethiopia, Somalia, South Sudan, Burundi iyo Djibouti.

Caabuq-sidaha karoonaha ee caalamkii caloosha u dhigay ayaa haatan u muuqda mid ka suuley ama kasii suulaya dalal badan, waloow ay jiraan kuwo uu iminka fara ba’an ku hayo min Ruushka ilaa Brazil.

Hadalsame Media