Aqalka Cad oo xalay cabsi laga dareemay & nalalkii oo uu dansadey + Sawirro & Muuqaal

0

(Washington, DC) 01 Juun 2020 – Waxaa kasii daray xaaladda Washington, DC, iyada oo taallooyinkii lagu falaaday, jeer ay Maraykanka ka soconayaan dibed baxyo ka dhashay dilkii bareerka iyo kibirka ahaa ee George Floyd.

Aqalka Cad ee loogga arrimiyo Maraykanka ayaa ku dhowaad mugdi noqday, markii la damiyey gebi ahaanba nalalkii bannaanka ku yaalley sababo amaan dartood, xilli ay dibed baxayaashu dhegaha ka furastyeen bandow lagu soo rogey magaalooyin badan oo ay dadku ku dibed baxayaan maalintii 7-aad, iyada oo ay dadku ka caroodeen markii ay daawadeen sida foosha xun ee Floyd loo diley.

Sida uu sheegay Booliiska caasimadda ee DC Police Department, waxaa si kas ah dab loo qabadsiiyey kaniisadda St. John’s Church, taasoo ay markiiba ay dab-damisku baqtiiyeen.

Warqaadka The Washington Post, ayaa sheegay inay mudaaharaadku adeegsanayeen budka baseball-ka si ay u burburiyaan daaqadaha, waxaana la bililiqaystay dukaamo waawayn iyo meelaha khamriga lagu iibiyo.


Hadalsame Media