AC Milan oo €110milyan oo euro ku raadinaysa 5 laacib oo muhim ah

0

(Milano) 01 Juun 2020 – Milkiilayaasha AC Milan ee Elliott Management Corporation ayaa la sheegay in ay fillasuufka cusub ee Ralf Rangnick u diyaariyeen miisaaniyad macquul ah si uu usoo qaato 5 laacib oo uu kooxda ku xoojiyo.

Sida uu dhigayo il Milanista, oo sheegay inay Elliott ninka Jarmanka oo noqon doona macallinkii ugu horreeysey ee Serie A ka noqda Macallin iyo Maareeye Isboorti, sida EPL, farta ka saari doonto €110milyan oo euro iyo wixii kasoo gala xiddigaha la iibinayo.

LAACIBIINTA UU RAADINAYO?

Denzel Dumfries waa magaca 1-aad, wuxuuna dadabka midig ee daafaca uga dheelaa kooxda PSV Eindhoven, Milan ayaana fooska leh waayo waxay heshiiska raacin kartaa Ricardo Rodriguez oo haatanba PSV u dheela, si ay u hesho laacibkan Dutch-ka ah oo lagu qiimeeyo €15m.

Kooxda Rossoneri ayaa sidoo kale raadinaysa dambeed dhexe oo ay ku lamaanisho Alessio Romagnoli waxaana u arkan dhagaxa kooxda Celtic ee Kristoffer Ajer kaasoo adeeggiisa lagu helayo €15m.

Rodrigo De Paul waa bartilmaameedka 3-aad ee ay AC Milan u doonayso khadka dhexe. Laacibkan reer Argentine ayaa ka tegaya Stadio Friuli waxayna Udinese ku fasaxaysaa €25milyan.

Laacibka 4-aad waxay Milan ka doonaysaa Real Madrid oo ay xiriir wanaagsan la leedahay, waana Martin Odegaard, kaasoo fasal-ciyaareed wanaagsan kusoo qaatay kooxda Real Sociedad oo amaahatay, waxaana lagu heli karaa €25m, iyadoo Norwegian-kan uu Rangnick u arko noocii uu jeclaa.

Ugu dambayn, waxay Milan doonaysaa Luka Jovic, oo ah weerar dhexe oo sidoo kale garab weerar ka dheeli kara. Laacibkan Serbian-ka ayaa lagu soo qaadan karaa €30m-€40m oo la sheegay inay durba Milan dalab ahaan u gudbisey, tiiyoo uu xagaagii hore ku yimid €60m oo faraqa loogu shubay kooxda Eintracht Frankfurt.

Milan ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa laacibiin kale oo oo fara badan sida Sandro Tonali, Dominik Szoboszlai, Florentino, waxaana hubaal ah inay waxyaabo badani is bedeli karaan.

Hadalsame Media