Wararkii ugu dambeeyey haweenay ninkeeda saaka ku dishey Degmada Dayniile & sababta

0

(Dayniile) 31 Maajo 2020 – Arrin nasiib darro ah ayaa ka dhacday xaafadda Raadeelka ee Degmada Dayniile kaddib markii uu dagaal qoys ku dhamaaday khasaare nafeed.

Guddoomiye Waaxeedkii Halgan, Cabdulqaadir Maxamed Siicow (Fool-dibi) ayaa la sheegay inuu u geeriyoodey dhaawac culus oo ay xaaskiisu gaarsiisey isla markii la geeyey isbitaalka Digfeer.

Xaaska marxuumka oo la sheegay inay hal cunug u haysey uurna u lahayd ayaa ku maagtay arrimo masayr la xiriira, iyada oo uu xilligaa kasoo baxayey guriga xaas kale oo uu qabey.

Waxaa iminka maydka marxuumka la geeyey xarunta CID-da, waxaana sidoo kale lagu raad joogaa gabadha dilka gaysatey oo la sheegay inay baxsatay kahor inta aan lasoo gaarin.

”Xaafadda oo dhami hadda waxay ka shoogsan tahay arrintan naxdinta leh” ayuu yiri qof goob joog ah oo ay deris ahaayeen marxuumka oo la hadlay Hadalsame Media.

Hadalsame Media