Sheeko kale oo tii hore kasii murugo badan oo kasoo baxaysa caasi saaka lagu qarxiyey Degaanka Ceelasha Biyaha

0

(Ceelasha) 31 Maajo 2020 – Waxaa saaka ay dad rayid ihi ku baaba’een qarax ka dhacay dhanka Ceelasha Biyaha, kaddib markii ay miino la kacday gaari caasi ah oo rakaab sida.

Waxaa markii hore la sheegay inay dadkani ahaayeen khudradleey u jarmaadaysey dhanka Afgooye.

Ha yeeshee, iminka ayaa waxaa soo baxaya wacaal kale oo ku saabsan in gaariga caasiga ihi uu sidey 20 qofood oo isku qoys ah oo u socdey tacsi ka dhacaysey Degmada Wanlawayn.

Waxay wararku intaa raacinayaan in 14 dadkaa ka mid ihi ay iminka dhinteen, halka ay hal gabari ka badbaadey, inta kalena ay dhaawacyo halisa qabaan.

Ma jirto cid jarriimaddaa gooyada ah ilaa iminka sheegatay, waxaase la fahamsan yahay inay meelahaa miino geliso kooxda Shabaab oo aan la garanayn cidda uu anfacayo dagaalka ay ku wadaan dadka Muslimiinta ah.

Hadalsame Media