Arrin ay Masar ku ceeboowdey oo dalkaa ku qabsatay haweenay & gabadheeda

0

(Qaahira) 31 Maajo 2020 – Gayfanayaal Masri ah ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaalka haweeney uu hayo cudurka COVID-19 oo taalla jidka kaddib markii loo diidey in la daweeyo, sida lagu qoray Al-Sharq.

Muuqaalka oo ku baahey baraha bulshada, ayaa muujinaya haweenayda oo jidka daadsan iyada oo ay dul taagan tahay gabar ay dhashay, iyadoo sida uu faafiyey Russia Today, ay dadku caro kala dul deceen kali taliska dalkaas iyo kaabayaasha caafimaadka oo ku fashilmay inay la xaalaan cudurka karoonaha.

Haweenayda oo dhowr isbitaal isu martay ayaa looga dhaartay, iyada oo loo sheegayo inaan sariiro bannaan iyo dawo toona loo haynin, waxayna dadku farriimo qayla dhaan ah u direen Golaha Wasiirrada, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka iyo tan Guriyaynta.

Reuters, ayaa Al Sharq kasoo xigatey in howlwadeenka caafimaad ee Masar looga digey inay dusiyaan xogo ku saabsan kiisaska Covid-19 oo ay Masar wax ka qaban la’dahay.

Hadalsame Media