Soomaalida Minneapolis oo ku dhaqaaqday arrin DOOD cusub dhalisay runtiina laga fiicnaa + Sawirro

0

(Minneapolis, MIN) 30 Maajo 2020 – Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa ficillo isku dhafan ka gaysanaya dibed baxyo rabshadaysan oo ka bilowday magaaladaasi kaddib markii jilib lagu ceejiyey George Floyd.

Soomaalida ayaa samaysay arrimo qaar badan aan lagu faani karin sida inay ka qayb galeen bililiqo loo gaystey meherado iyo dukaamo ku yaalley meelihii ay mudaaharaadyadu ka dhacayeen ilaa inay dhagxiyeen booliiska.

Yeelkeede, waxay markan ku dhaqaaqeen arrin kale oo dood kale abuurtay, taasoo ah inay soo qaateen calanka buluugga ah ee dalka Somalia.

Dad badan oo waxgarad ah ayaa sheegay inaan arrintan loo baahnayn oo ay Soomaalida gaar u soocayso, maadaama ay mudaaharaadka joogaan dad fara badan oo kasoo kala jeedo dalal kala duwan, balse aanu jirin cid soo qaadatay calanka dalkeeda.

Waxaa sidoo kale jirta inay arrintani tahay mid maxalli ah oo khuseeysa Maraykanka oo ay arrintu tahay arrin Ameerikaan, sidaa darteed, aanu meelna kasoo gelin calanka Somalia.

Hadalsame Media

Facebook Comments