RASMI: Turkish Airlines oo maalin kaddib toos u bilaabaysa duullimaadyada (Meelaha lagu bilaabayo)

0

(Ankara) 30 Maajo 2020 – Dalka Turkey ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Isniinta, 1-da Juun uu dalkaasi sahli doono xannibaadihii uu soo rogey kaddib dillaacii caabuq sidaha faafa ee coronavirus.

Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha dalkaasi, Adil Karaismailoğlu ayaa maanta ku dhawaaqay in Turkish Airlines ay duullimaadkeeda 1-aad soo celinayso isla Isniinta, iyadoo ku bilaabaysa Istanbul iyo caasimadda Ankara.

Waxaa sidoo kale loo duuli kari doonaa iyada oo Garoonka Istanbul laga duulayo magaalooyinka kale iyo gobollada waawayn sida gobolka koonfur galbeed ee Izmir, magaalooyinka dalxiis ee kulaala Badda Cad ee Mediterranean-ka ee Antalya iyo Trabzon, oo ku taalla Black Sea.

Duullimaadyada magaalooyinka kale ayaa la bilaabi doonaa 3-da Juun, sida uu u qoran yahay baratakoolka kasoo baxay Wasaaraddu.

“Nagu filan jamashadu! Wixii gaara 1-da Juun waxaan kusoo laaban doonnaa cirka, oo ah halka aan leennahay,” ayay soo tweet garaysay Turkish Airlines oo uu metelayo afhayeenka Yahya Üstün.

Waxaa rakaabka looga baahan doonaa inay telefoonka gacanka ku degsadaan app-ka Hayat Eve Sığar (ama noloshu waxay ku habboon tahay guriga dhexdiisa), kaasoo sahlaya in qofka lala socdo si loo ogaado inuu faya qabo, sida uu sheegay Bilal Ekşi, Xoghayaha Guud ee TA.

Turkish Airlines ayaa deeto duullimaadyada caalamiga ah bilaabaysa bartamaha Juun ama Juun 15, waxaa sidoo kale Isniinta furmaya maqaaxiyaha, makhaayadaha wax laga cuno, jardiinooyinka dadwaynaha, jiimamka iyo matxadyada.

Hadalsame Media