Dayuuradaha Ruushka oo cayrsaday laba bombar oo Maraykan ah oo xambaarsan gantaalo istaraatiji ah!! (Daawo sida ay wax u dheceen)

0

(Moscow) 30 Maajo 2020 – Miigagga Ruushanka ayaa la kiciyey si ay u baacsadaan bombarro istaraatiji ah oo uu Maraykanku leeyahay nooca US B-1B Lancer, kuwaas oo xadka hawada Ruushka kasoo galay dhanka badaha Black iyo Baltic Sea, iyagoo joog aad u sarreeya ku duulaya.

Dayuuradahan oo ah nooca sida gantaalaha nukliyeerka ayaa markii ay usoo dhowaatey hawada Ruushka waxaa arkay raadaarka, waxaana markiiba loo diray laba dayuuradood oo kala ahaa Sukhoi Su-27P iyo Su-30SM si ay ugu salaamaan hawada caalamiga ah ee ka sarreeysa biya badda Black Sea.

Dayuuradaha Ruushka ayaa bombarka usoo jirsaday “masaafo amaan ah,” taasoo keentay in dayuuradahan B-1B oo mid ka badnaa ay aag bedeshaan oo ay jiho kale u leexdaan, sida ka muuqata muuqaal ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku.

Ruushka ayaa sheegay in kaddib ay dayuuradihiisu dib ugu soo laabteen saldhiggooda “iyagoo si buuxda u raacay xeerka u degsan hawada.” 

 

 

Hadalsame Media