4 ASTAAMOOD oo adiga oo aan dhakhtar aadin aad ku garan karto inuu liito DIFAACA JIRKAAGU (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 30 Maajo 2020 – Markii la maqlo coronavirus iyo sida lagaga gaashaaman karo, waxaa markiiba soo baxda in lakala sikado, in nadaafadda lagu dadaalo iwm, balse waxaa jirta arrinta ugu asaasisan waxaa oo dhan oo ah Hannaanka Daafaca dabiiciga ah ee jirka (immune system).

Halkan ka akhri qaybtii 1-aad…

Waayo qofkii uu daaficiisu liitaa wuxuu halis u yahay cudurrada neef-mareenka ku dhaca sida COVID-19, oo uu keeno SARS-CoV-2, iyo cudurrada kale, taasoo dhalinaysa natiijo aan la mahadin.

Haddaba aannu eegno 4 qodob oo la yaab leh oo kuu sheegaya in aanu fiicnayn daafaca jirkaagu:

2 – Nabro joogto ah

Maqaarkeennu had iyo goor dib ayuu isu kabaa marka uu gubto, jarmo ama jeexmo, wuxuuna halkaa u diraa dhiig ay nafaqo ka buuxdo taasoo nabarka raysinaysa meeshiina dib u dhalinaysa.

Geeddi socodkaa raysiga ihi wuxuu aalaaba ku xiran yahay heerka difaaca jirkeenna, iyadoo markii uu difaacaasi liito uu waqti badan qaato raysiga nabraha nagu dhaca.

Taasi waxay keentaa nabro yar yar oo xanuun badan oo jirkeenna kasoo yaaca, waxaan sidoo kale aragnaa caabuqyo jireedyo kale sida nabro bararan oo u eg kasoo baxa iyo nabraha yar yar ee iyagoo tuulan kasoo yaaca faruuryaha (Abooto tuutuu).

3 – Calool u eg sidii wax buufsan

Hannaanka dheef-shiidku wuxuu metelaa 70% saldhigyada difaaca jirkeenna. Marka laga yimaado bakteeriyada faa’iidada badan iyo ili ma aragtiga (flora) ku dhex nool mindhicirka ee caabuqyada ka ilaaliya misna taageera difaaca jirka.

Haddii haddaba uu wareer ku dhoco bakteeriyada caloosha (intestinal flora), waxay taasi keeni kartaa fayrus kugu dhaca, cun cun badan iyo xitaa inuu si khaldan u shaqeeyo hannaanka difaaca jirka oo keeni karta xaaladda Crohn’s.

Daraasaadka caafimaad ee la sameeyo waxay iminka caddeeyeen muhiimadda ay caloosha iyo midhicirrada oo caadi u shaqeeyaa u leeyihiin guud ahaan caafimaadkeenna, gaar ahaan xiriirka ka dhexeeya difaaca jirka iyo bakteeriyada caloosha.

Caloosha oo u eg wax aaryo ka buuxdo, gaaska iyo qarastuna waxay ka dhigan yihiin astaamo kuu sheegaya inay wax wayni kaa khaldan yihiin.

La soco qaybta ugu dabaysa…

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media