SAWIRRO: Maamulka Galmudug oo qaaday tillaabo wax ku ool ah (Gaadiid lagu qabtay badeeco ka mamnuuc ah halkaasi)

0

(Gaalkacyo) 29 Maajo 2020 – Tan iyo markii uu xilka Wasiirka Amniga Galmudug uu la wareegey Axmed Macallin Fiqi wuxuu bilaabay dardar uu geliyey amaanka, isagoo beryahan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo oo uu shaqooyin badan ka qabtay.

War kasoo baxay Wasaaradda Amaanka Galmudug ayaa lagu sheegay in halkaa lagu qabtay gaadiid sidey dhuxul, taasoo sharci darro ka ah halkaasi.

”Ciidamada Amniga Galmudug ayaa maantay duleedka Koofureed ee magaalada Gaalkacyo gacanta ku dhigay gaadiid ay ku rarnaayeen dhuxul laga soo jaray deegaanno ku yaalla gobolka Mudug, Taasoo horey looga mamnuucay deegaanadaan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.

”In ka badan 450 loor ayaa saarneyd gaadiidkaas, waxaana horey isla ciidamadu u qabteen oo saldhigga Gaalkacyo yaalla baabuur ay ku rarnayd dhuxul si sharcidarro ah looga soo jaray dhul dhaca degmada Hobyo.”

”Jaridda dhirta iyo gubisteeda si dhuxul looga helo waa ka mamnuuc deegaanada Galmudug, ciddii arrintaas lagu qabtana waxay mutaysanaysaa In sharciga la mariyo.” ayaa lagu yiri digniin loo jeedinayo dadka dhuxusha ka ganacsada ama dhoofiya.

Wasaaradda Amaanka Galmudug ayaa sidoo kale la wareegtey amaanka koontaroollada laga soo galo magaalada Gaalkacyo qaybta koonfureed.

Hadalsame Media