Ruushka & Shiinaha oo iskugu tegey Turkey (Qorshe muhim ah oo ay ka hortaagan yihiin)

0

(New York) 29 Maajo 2020 – China iyo Russia ayaa waxay hortaagan yihiin hindise uu Turkigu wado oo ku saabsan in marin cusub laga furo dhinac Gobol Dal Cabyad ee woqooyi bari Suuriya, taasoo xumaynaysa xaaladda aadminnimo ee dadka meeshaas ku nool.

Sida ay qortay Anadolu Agency (AA), ilo diblomaasi ayaa sheegay in labada dalba ay hortaagan yihiin in albaabkaa cusub la furo si loo cusboonaysiiyo qaraar horay Golaha Amaanka uga soo baxay 2014-kii, kaasoo dib u eegis u baahan bisha Luulyo ee soo aaddan.

Dhamaadkii 2019-kii, waxaa furnaa afar albaab oo laga soo kala gelayey Suuriya dhanka dalalka Turkey, Iraq iyo Jordan. Sida Bab al-Salam iyo Bab al-Hawa oo Turkey ah, Al-Yarubiyah oo Iraq ah iyo Al-Ramtha oo Jordan ah.

Marinnadan ayaa muhim u ah nolosha malaayiin Suuriyaan ah oo kaalmooyin kala geddisan loo mariyo, balse labada dal ayaa soo jeediyey in la xiro labada albaab ee Jordan iyo Iraq oo ay ku tilmaameeen kuwo aan “wax ku ool ahayn”.

Turkey ayaa isagu wuxuu doonayaa in albaabadaa la furo mid 5-aadna lagu daro si dadka qaxootiga ah loogu gurmado, balse waxaa aragtidaasi diidmo la hortaagan Shiinaha iyo Ruushka oo labaduba codka Diidmada Qayaxan ku leh Golaha Amaanka, iyagoo soo jeediyey in Suuriya oo idil laga galo laba meelood oo dhanka Turkiga ah taasoo uu “mid ay ku xiran tahay nolosha malaayiin” ku tilmaamay Mark Lowcock oo QM ka tirsan.

Danjiraha Maraykanka ee QM, Kelly Craft, ayaa isagu soo jeediyey in dib loo furo bar-gudubka dhanka Iraq, waana aragti ay sidoo kale taageereen UK iyo France.

Yeelkeede, Danjiraha Ruushka ee QM, Vassily Nebenzia ayaa ku jawaabey, “Waqti ha iskaga luminina furitaanka albaabaddaa.” Labadan dal ayaa aad u taageera keli taliska Bashaar Al Asad.

Hadalsame Media