Maxay isku hayaan MW Deni & Karaash? (Waa arrin aan ahayn midda aad moodayso!)

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2020 – Haddii hoggaamiyeyaasha umadda iyo madaxdoodu isku qabtaan dan umaddeed oo ay ku kala aragti duwanaadaan, waa wax laga garaabi karo.

Tusaale ahaan; Haddii ay khasnadda dowladda kujirto $1 Milyan, oo midi yidhaahdo caafimaadka ayaan galinaynaa, midna yidhaahdo nabadgelyada ayaan ku xoojineynaa, dhinacay doonto ha u dhacdee, waa arrin wanaagsan oo muujinaysa in labadooduba ku baraarugsan yihiin baahiyaha jira.

Laakiin sida Madaxweyne Deni iyo Karaash khilaafkooda ka muuqata waa dan shakhsi iyo xubno faro kutiris ah.

Marka ay raggii dhammaa ee aayaha umadda dhan ka talinayay isku qabsadaan wiilkan ayaan keensaday iyo wiilkan ayaan keensaday, ee ay dastuur iyo danguud midna u tanaasuli waayeen, waxay muujinaysaa habacsanaantooda, waayo waxay noqdeen laba qareen oo u kala doodaya laba shakhsi, madaxda aragtida fog leh na waxaa iskuma qabsan karaan.

Iyaga muddo yar xilka hayay na waa ku ceeb iyo hanjabin shacab, iyadoo 40 maalmood gudahood Guddoomiyeyaashii Nugaal & Mudug hadh cad cadawgu dilay na waa quus bulsho iyo fursad la siiyay kuwa u mideysan in ay labadoodaa xattaa nafta ka jaraan ee aanay u mideysnayn ka hortaggooda.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa ”labadii xaqdarro ku heshiiya, xaqa kuma heshiiyaane” Deni iyo Karaash waxay u midoobeen markii hore, in ay khaarajiyaan Guddoomiyihii Wakiilada ee ay duhur daaqadda kala baxeen, iyagii ayaa raba in ay iskula yimaadaan filim ay labadooduba garanayaan dhamaadkiisa.

Puntland maleh siyaasiyiin & axsaab mucaarada oo baahiya dhaliilaha xukuummadda, waa wax la wada ogol yahay in ninkii u lacag badani kursiga ku fadhiisto, loo daayo inta uu wixiisii kasoo ceshanayo ama uu kaga dhisanayo jaranjaro uu Federaalka ku hoggaamiyo. Raggii Deni kasoo horreeyey waxay kaga duwanaayeen in ay nidaamka kab-kabka ah sidiisa u kala dhaxlaan muddo xileedkooda kadib, iyo in aan la iska horkeenin tunweyneyaasha mid kasta garabsanayo beeshiisa uu furaha u hayo.

Deni wuxuu taagan yahay, anigaa meesha ka taliya, amarkaygaa jira iyo sidaan doonayaa soconaysa, cidda aan rabaanan keenayaa. Taasina waa sax oo maadaama xilka laga gaday odayga in uu siduu doono ka yeelo anigu wax u diidaya ma arko, wixii laga gaday in lagu qabsadana waa lagaga khaldan yahay.

Karaash na waa uu saxanyahay, wuxuuna taagan yahay, waar sawir ma ihi madaxtooyada kuu dhex yaalla, ku simahaagii ayaan ahay oo qudhayda waa la i doortay, maya xilka waan kula iibsaday, sidaada ayaan lacag bixiyay, meesha waynu wada gadanay oo waan wada leenahaye waxayga ii ogoloow, haddaad rabto badsoo.

Taasna kama gadna odeyga oo wuxuu taagan yahay abaddan, xattaa Facebook ma samaysan kartid, markuu samaystayna waa kan caawa ka xidhay.

Waxaa gardarro ah in lala kala safto laba nin oo danahooda gaarka ah iyo xulashadooda isku haysta, ugu yaraan haddii uu jiri lahaa mid dantayda u doodaya, waa aan raaci lahaa, ima oga inaan noolahay oo dan leeyahaye, maxaan tiisa ugu raaci? labadiinuba sii daaya.

Waxaa Qoray: Khaliif Faarax Xayir

Hadalsame Media