Ciidamada Xoogga oo sheegay inay raadinayaan ragga gaystey falka waxashnimada ah ee dhallinyarada lagu laayey (Arrin ay hoosta ka xarriiqeen)

0

(Muqdisho) 29 Maajo 2020 – Taliyaha Guutada 3-aad ee Qaybta 27-aad Kornayl Abshir Maxamuud (Shitaqeey) ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in Ciidanka xoogaa dalka aysan wax lug ah ku lahayn dil sideed ruux loogu geeystay degaanka gololeey oo hoosyimaado degmada balcad ee Gobolka shabeelaha dhexe.

Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay ku jiraan baaritaano ku aadan qaabkii loo soo qaban lahaa raggii ka dambeeyay dhacdadaasi, balse wax shaqo ah aysan ku laheyn Ciidanka Xooggu.

Kornayl Abshir Maxamuud ayaa qiray in Ciidanka Xoogga Dalku ay diyaar u yihiin difaaca dadka Soomaaliyeed, balse aysan ka suurtoobin in ay falal waxashnimo ah kula kacaan dadkii ay ilaalinayeen.

Arrintan ayaa kicisay dareenka bulshada, gaar ahaan maadaama dadka la laayey ay ahaayeen howlwadeenno caafimaad oo dulmi lagu kexeystay lana laayey, iyada oo aan wei ujeedka la aqoonin.

Hadalsame Media