SAWIRRO: Kooxo Shiico ah oo burburisey qabrigii Khaliifkii Cumar Ibn Cabdul Casiis (Wax ka baro qofka uu ahaa)

0

(Idlib) 28 Maajo 2020 – Kooxo Shiico ah oo ay Iiraan taageerto ayaa la sheegay inay burburiyeen qabrigii Khaliifkii Umawiyiinta ee Cumar Ibn Cabdul Casiis oo ku aasan gobolka woqooyi bari Suuriya dhaca ee Idlib, halkaasoo ay haraagii maydka kala bexeen.

Muuqaal lagu daabacay bogag ay taageerto Dowladda Iiraan ayaa muujinaya kooxdan argagixisada ah oo qabriga qodaysa, kaasoo ku yaalla magaalada yar ee Deir Sharqi oo u magaalada Maarat al-Nucmaan.

Muuqaal kale ayaa muujinaya qabrigii oo maran, lamana sheegin wacaalka halka loo raray haraagii qabriga ku jirey.

Bishii Febraayo, ciidamo ka tirsan taliska Bashar Assad ayaa dab qabadsiiyey meelo ku hareereeysan qabriga, markii ay magaalada qabsadeen, taasoo burbur u gaysatey goobta.

Cumar Ibn Cabdul Casiis, wuxuu ahaa Khaliifkii 8-aad ee Umawiyiinta, wuxuuna asal ahaan ku abtirsadaa Saxaabigii waynaa ee Cumar Ibn al-Khadaab, oo ahaa Khaliifkii 2-aad ee Islaamka iyo saxaabadii Nabi Muxammad (NNKH).

Cumar Ibn Cabdul Casiis waxaa lagu tilmaamaa Khaliifkii 5-aad ee ugu fiicnaa Islaamka, maadaama uu ahaan jirey nin aad ugu xeel dheeraa cadaalladda xilligii xukunkiisa oo ahaa 2 sano iyo 5 bilood. Halkan kasii akhri.

Hadalsame Media