DHACDO DHIILLO LEH: Aabbe gabadhiisa qoorta uga jaray xiriir jacayl dartii & doodda oo gaartey ilaa Baarlamanka + Sawirro

0

(Talesh) 28 Maajo 2020 – Waxaa dalka Iiraan ka taagan dood kulul oo ka dhalatay aabbe qudha ka jaray gabadhiisa da’yarta ah oo xiriir la lahayd nin kale, iyadoo uu MW Hassan Rouhani uu Baarlamanka ku boorriyey in lasoo saaro Xeer ka dhan ah cunfiga ka dhanka ah haweenka.

Gabadhan qoorta laga jaray oo 14-jir ah lana yiraahdo Romina Ashrafi ayaa la baxsatay nin 29-jir ah bartamihii bishan Maajo, iyadoo ka carartay guriga qoyskooda oo deggan Talesh, taasoo qiyaastii 321km woqooyi bari kaga toosan caasimadda Tehran, sida ay qortay IRNA.

Lamaanaha isla fakaday ayaa ugu dambayntii la qabtay, waxaana Ashrafi dib loogu celiyey qoyskeedii, iyadoo uu aabbuhu iska dhigay nin gabadha cafiyey, sida laga soo xigtey garsoore ka tirsan Maxkamadda Gobolka Gilan oo ay Talesh ka tirsan tahay.

Iiraan ayaa ka mid ah dalalka looga dhaqmo wax lagu sheego ”dil sharafeed”

Yeelkeede, 21-kii bishan Maajo, waxaa Ashrafi oo hurdaysa weerar ku qaaday aabbeheed, kaasoo madaxa uga gooyey mijo aad u afaysan oo ah middi golxo leh oo cowska lagu guro, iyadoo odaygu haatan xiran yahay, sida uu Gilkhabar qorayo.

Iiraan oo ka mid ah dalalka looga dhaqmo wax lagu sheego ”dil sharafeed”, ayay arrintani gilgishey, iyadoo ay saxaafadda maxalliga ihi ay cinwaanno waawayn ka sameeyeen arrintan nasiib darrada ah, sida ay faafisay Reuters.

“Shaki la’aan waa waajib culays badan oo na saaran in ciqaab xun uu muto qofkii dembigan ka dambeeyey,” ayuu yiri Wasiir Xigeenka Cadaaladda Mahmoud Abbasi oo shalay u warramay IRNA.

Hadalsame Media