”Cadaaladda ayaa la hor keenayaa” – DF oo lahjadda ugu adag ku cambaareeysay falkii bahalnimada ahaa ee agagaarka Balcad

0

(Muqdisho) 28 Maajo 2020 – DF Somalia ayaa lahjadda ugu adag ku cambaareeysey fal wuxuushnimo ah oo ka dhacay agagaarka Degmada Balcad, kaddib markii 8 dhallinyaro ah oo howlwadeenno caafimaad ahaa la watay kaddibna maydkooda jidka lasoo dhigay.

”Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareyneysaa falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay tuulada Gololley oo hoostagta Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasi oo lagu laayay 8 qof oo rayid ah,” ayaa lagu bilaabay qoraal rasmi ah oo kasoo baxay DF.

DF ayaa ka hadashay ujeeddada gurracan ee ka dambayn karta falalka noocan ah.

”Ficillada noocaan oo kala ah ee lagu xasuuqayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan waa kuwii ay ku caan baxeen kooxaha argagixisada ah ee cadowga ku ah nolosha iyo daganaanshha Ummadda Soomaaliyeed, kuwaasi oo sidoo kale ka shaqeeya iska hor keenista qeybaha kala duwan ee bulshada si ay colaad uga dhex abuuraan,” ayaa la daba dhigay, iyadoo deeto dadka Soomaaliyeed uga tacsiyeeysey falkan murugada leh.

”Dowladda Soomaaliya waxay xanuunka la qeybsaneynsaa oo ay tacsi u direysaa qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen, waxayna marxuumiinta Alle uga baryaysaa in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo,”

Waxay DF ballan qaadday inay arrintan ka qaadayso tillaabada ku habboon, iyadoo sheegtay in baaritaan dabagal ah lagu sameeynayo sida ay wax u dheceen.

”Dowladdu waxay amartay in baaris dag dag ah lagu sameeyo dhacdadaas, laguna dadaalo in dambiilayaasha xasuuqay dadkaas shacabka ah ee aan waxba galabsan gacanta lagu soo dhigo oo cadaaladda la horkeeno.” ayaa lagusoo afjaray warka kasoo baxay DF.

Innaa Lillaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Hadalsame Media