4 ASTAAMOOD oo adiga oo aan dhakhtar aadin aad ku garan karto inuu liito DIFAACA JIRKAAGU (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 28 Maajo 2020 – Markii la maqlo coronavirus iyo sida lagaga gaashaaman karo, waxaa markiiba soo baxda in lakala sikado, in nadaafadda lagu dadaalo iwm, balse waxaa jirta arrinta ugu asaasisan waxaa oo dhan oo ah Hannaanka Daafaca dabiiciga ah ee jirka (immune system).

Waayo qofkii uu daaficiisu liitaa wuxuu halis u yahay cudurrada neef-mareenka ku dhaca sida COVID-19, oo uu keeno SARS-CoV-2, iyo cudurrada kale, taasoo dhalinaysa natiijo aan la mahadin.

Tevfik Rıfkı Evrenkaya oo ah xeeldheere ku talax tegey waxa loo yaqaanno Internal Medicine oo aalaaba la xaasha ogaanshaha iyo dawaynta cudurrada gudeed, ayaa soo jeediyey in cunista cunto caafimaad oo dheelli tiran, hurdo tayo leh, maaraynta diiqadda (stress), ka fogaanshaha cabista sigaarka, aalkolada iwm, culayska jirka oo laga taxaddaro iyo nadaafadda guud ee jirka iyo cuntadu ay yihiin walxaha sare u qaada daafaca jirka.

Haddaba aannu eegno 4 qodob oo la yaab leh oo kuu sheegaya in aanu fiicnayn daafaca jirkaagu:

1 – Dhaxan joogto ah

Waa caadi in sanadkiiba mar ama laba ay dadka waawayni dhaxan dareemaan, ha yeeshee, haddii ay joogto noqoto aanu xaalku caadi ahayn.

Tusaale, haddii sanad gudihii ay kugu dhacaan dhowr caabuq oo uu fayrus keenay, in ka badan 4 jeer aad isku aragto infekshin dhegaha ah, laba kiis oo qaar-jeex ah ama in ka badan 3 kiis oo ah bakteeriyada sinusitis oo ku dhacda xuub axaleedyada sanka, waxaa kuu daaran dawankii digniinta.

La soco qayb kale….

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media