Shiinaha iyo Australia oo isku il xun & Maraykanka oo ciidan u diray + Sawirro

0

(Canberra) 26 Maajo 2020 – Maraykanka ayaa todobaadyada soo aaddan 1,200 oo Marines ah u daabulaya dalka Australia, jeer ay cirka isku sii shareerayso xiisadda ka dhex aloosan reer Galbeedka iyo Shiinaha ee ku saabsan COVID-19.

Ciidamada qaybta ugu bada ayaa magaalada Darwin iman doona horraanta Juun, balse qayb hordhac ah oo ka kooban 54 Marines ah ayaa muddo 2 bilood ahba ku sugan Northern Territory.

Ciidamadan uu Maraykanku u daabulayo Australia ayaa imanaya xilli uu sii xumaanayo xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha kaddib markii uu dillaacay cudurka faafa ee coronavirus.

Shiinaha oo saamayn badan ku leh Australia oo uu xiriir ganacsi iyo maalgashi la leeyahay, ayaa sida la yiri ka caroodey inay ku biirtay dalalka dalbanaya in la baaro asalka uu ka yimid cudurka caalamkii caga qabtay ee COVID-19.

Hadalsame Media