Muslimiinta oo magaalo Jarmanka ku taalla ka sameeyey arrin aad loo amaanay (Waxa dhacay & ra’yiga dadwaynaha)

0

(Wetzlar) 26 Maajo 2020 – Muslimiinta dunida ayaa todobaad dhamaadkan u dabaal degey Ciidul Fitriga dhamaadka Ramadaanka, balse waxaa aad looga helay sida ay Muslimiintu u dhowreen hab-raaca kala sikashada ee loosoo rogey coronavirus dartii.

Jamaacada masjid ku yaalla Jarmanka ayaa dukaanka alaabada ee IKEA ayaa ka codsaday inay ku dukan karaa barxadda gawaarida la dhigto, taasoo uu ka yeelay dukaankan oo ku yaalla Wetzlar.

Imaamka Masjidka ee FATIH CAMII ayaa u mahad celiyey IKEA-ha magaalada Wetzlar, Booliiska iyo Xafiiska Nidaaminta Bulshada Wetzlar oo uu sheegay inay gacan ka gaysteen sidii ay ku dukan lahaayeen Salaadda Ciidda.

Bal hoos ka akhri sida dadwaynuhu ay Muslimiinta ugu amaaneen dishibiliinka ay muujiyeen.

Hadalsame Media