Md Dhoobo-daareed oo kashifay xogo aan la ogayn oo ku saabsan heerarka uu soo maray khilaafka Deni & Karaash

0

(Hadalsame) 25 Maajo 2020 – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) – oo sharciyan la aaminsan yahay inuu weli yahay Guddoonka Baarlaman Goboleedka Puntland – ayaa markii ugu horreysay ka fikir dhiibtey khilaafka iminka soo dibed baxay ee u dhexeeya madaxda sare ee Puntland oo noqonaya kii 2-aad ee uu Deni la galo 2-da qof ee maamulkaa ugu sarreeysa kaddib isaga.

Khilaafkan ayaa u dhexeeyey Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Siciid C/laahi Maxamed (Deni) iyo Xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ka sheeganaya la tashi iyo qaddarin la’aan lagu sameeyey booskiisa Dastuuriga ah.

”MX wax badan oo awood ah markii horeba lama siin, balse waxaa muuqata in Deni uu bir u dhigtay wada tashiga oo ah waxa meesha ugu qoran. Waa waajib Dastuuri ah in uu la tashado, balse khasab ma aha inuu qaato wixii uu kula taliyo,” ayuu yiri, isagoo soo jeediyey in sharciga lagu kala boxo.

Md Dhoobo-daareed ayaa kashifay in khilaafka labada nin uuba horreeyey midkii isaga iyo Deni oo uu weliba isagu kala dhex galay, si arrinta si hoose loogu dhameeyo, sida uu yiri.

Wuxuu Md Dhoobo-daareed kashifay arrin kale oo uu ku tilmaamay wax laga ”yaqyaqsoodo” taasoo uu ku kacay Siciid Deni.

”Waxaa xilli uu dalka ka maqnaa 3,000 oo doollar oo uu xaq u lahaa boono ugu qoray Md Karaash, balse markii uu Deni soo laabtay wuxuu dalbaday in dib loosoo celiyo lacagta. Ilaah baan idinku dhaariyee ma mas’uuliyad iyo sharaf baa waxaasi?!” ayuu is waydiiyey.

Wuxuu sheegay in Deni uu Madaxdii ka horreeysey kaga duwan yahay ixtiraam la’aanta Dastuurka isla markaana aanu talo ogolayn, isagoo soo jeediyey dhaliil haysata guud ahaan siyaasadda Soomaalida oo ah la’aanta Maxkamad Dastuuri ah oo madax bannaan si ”awoodda loo maroorsado”, isagoo sheegay inay Deni isku khilaafeen isla arrintaa sharciga iyo in aan Puntland loo sawirin maamul lugaha ku dheggan ”Qarannimada Soomaaliya.”

Wuxuu sheegay in dhaqaalaha soo gala Puntland uu ku dhaco jeebka Madaxwaynaha oo qura, oo aanay jirin cid la xisaabtanta oo isaga ka madax bannaan, taasoo keenaysa ku takri fal dhaqaale.

Guddoonkii hore ee Baarlamanku wuxuu sheegay in MW Deni uu muujinayo in aanu ”siyaasi ahayn”, isla markaana ay ku habboon tahay in uu wax iskula haro gaar ahaan eedo uu u jeediyey DF Somalia.

”Mar waad ka cabanaysaa DF, mar waad caaytamaysaa, marna waxaad leedahay waa tabar yar tahay, haddii ay tabar yar tahay maad cagta marisid. Ma tabar yara waana hay’addii dalka oo dhan mas’uulka ka ahayd.” ayuu yiri Dhoobo-daareed.

Hadalsame Media