”Waan taageeraynaa wax kasta oo Israel la dagaallamaya!” – Iiraan oo bayaan yaab leh soo saartay & Israel oo ku eedeeysay inay Xaftar hubaynayso

0

(Tehraan) 23 Maajo 2020 – Iiraan ayaa sheegtay inay taageeri doonto cid kasta oo Israel la dirirsan, mar uu Hoggaanka Sare ee Ayatollah Ali Khamenei ka hadlayey Maalinta Qudus oo badiyaa taageero loogu muujiyo Falastiin.

“Waxaan caawin doonnaa dal ama koox kasta oo Israel ka horjeedda lana dagaallamaysa Taliska Sahyuuniyadda, meel kasta oo ay dunida ka joogto,” ayuu Khamenei ku yiri fariin Ingiriisi lagu qoray oo lasoo dhigay Twitter.

Iiraan, oo ah dalka 1-aad ee Israel kula coltama Bariga Dhexe, ayaa aad u taageera dalka Suuriya iyo taliskiisa Bashar al Assad, kaasoo ay ku caawiyeen hiil iyo hooba.

Israel, oo aad isha ugu haysa Suuriya ayaa dhowr mar weerarro ku qaadday bartilmaameedyo ay dalkaa ka deggan yihiin maliishiyaad Shiico ah sida Xisbullaah iyo fariisimo ay la taliyeyaasheedu joogaan.

Israel ayaa iyaduna Iiraan ku eedeeysay inay hubaynayso Hoggaamiye-kooxeedka Khaliifa Xaftar ee dagaallada ka wada dalka Libya, kaasoo ay sheegeen inay Iiraan ku taageertay hub culus, caddaymahana ay hayaan.

Hadalsame Media