Masar oo iskeed usoo debecday kana qayb geleysa kulanka Itoobiya & Suudaan (Arag sad-bursiga aan caadiga ahayn oo ay sanado badan ku biya cabaysey)

0

(Qaahira) 23 Maajo 2020 – Masar ayaa ugu dambayn sheegtay inay ogoshahay in ay kusoo biirto wada hadallada Sudan iyo Ethiopia ee ku saabsan buuxinta biya-xireenka wayn ee Niil, taasoo ay ka dhalatay xiisad dhex taalla labada dal.

“Masar diyaar ayay u tahay inay ka qayb gasho wada xaajoodyada soo aaddan, si loo gaaro heshiis miisaaman,  cadaalad ah, is fahamna ku dhisan,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka dalkaasi, iyadoo sheegtay inay ilaalinayso danaha Masar iyo sidoo kale kuwa labada dal ee kale ee Ethiopia iyo Sudan.

Moowqifkan debecsan ee Qaahira ayaa imanaya, kaddib kulan khadka ku dhex maray RW Sudan, Abdalla Hamdok iyo dhiggiisa Ethiopia, Abiy Ahmed horraantii Khamiistii.

Addis Ababa ayaa ka dhaaratay inay dib u dhigto buuxinta biya-xireenka ugu wayn Afrika ee haatan la dhisayo ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), kaasoo la bilaabay 2011-kii.

Bishii Abriil, Abiy ayaa sheegay inay bilaabayaan “buuxinta koowaad” oo qaadi doonta 18.4 bilyan mitir oo 3-jibbaaran muddo 2 sano ah, taasoo ay ka cabsanayaan Masar iyo Sudan maadaama uu guud ahaan biya xireenkani cabayo 74 bilyan oo mitir oo 3-jibbaaran marka la wada buuxiyo, isla markaana ay biyo badan oo dhankooda u qulquli lahaa ay sidaa ku baaqan karaan.

HESHIIS XAQ-DARRO AH

Masar ayaa ilaa maanta ku doodda in heshiis sad-bursi ahaa oo ay Britain la saxiixatay 1929-kii oo la yiraahdo Anglo-Egyptian Treaty iyo isla isaga oo wax yar laga bedeley 1959-kii, uu weli yahay midka go’aaminaya aayaha biyaha Niilka.

Heshiiskaa ayaa dhigaya in dalalka Afrika Madoow ee ay kasoo bilowdaan labada Niil – Sudan, Uganda, Kenya iyo Tanganyika (Tanzania-da maanta) – iyo Ethiopia aan waxba laga waydiinayn biyahaasi, iyadoo tillaabo millateri loogu hanjabayo haddii ay biyohooda ka faa’iidaystaan.

Waxaa tibxaha heshiiska ka mid ah in Masar ay sanadkii hesho 48 bilyan oo mitir oo 3-jibbaaran oo biyo ah, halka Sudan loo qoondeeyey 4 bilyan oo qura.

Qaybta labaad ee heshiiskan oo dhacay 1959-kii, kaasoo ay saxiixeen Masar iyo Sudan oo qura, ayaa markale Masar u sed kordhiyey, iyadoo sanadkii iska qaadatay 55.5 bilyan oo mitir oo 3-jibbaaran (cubic metres), halka Sudan woxoogaa loogu daray oo laga dhigay 18.5 bilyan.

Waxaa heshiiskaa gebi ahaanba cirka u fiiriyey dalalka ay biyuhu kasoo bilowdaan oo ay ku jirto Ethiopia oo ah dalka ugu badan ee Niilka waraabiya maadaama ay 70% ilaa 80% biyahaasi ka yimaadaan. Dalalka kale ee uu heshiiskani khuseeyo ayaan iyaguna abidkood saxiixin ama aqoonsan heshiiskan.

Sidoo kale Masar ogolaansho ugama baahna dalalka ay biyahani ka yimaadaan oo sidii ay doonto ayay mashaariic biyo xireenno ah u samaysan kartaa, balse waxat VETO saari kartaa inay sidoo kale yeelaan dalalka aannu soo xusnay, taasoo ay ku jirto inaysan taaban karin harada Lake Victoria oo ku fadhisa 43,130 KM oo jibbaaran una dhexeeysa Uganda, Kenya iyo Tanzania.

Haradan oo ah isha labaad ee caalamka oo idil ugu wayn ee laga helo biyaha macaan, isla markaana ay iskugu yimaadaan kumannaan webi iyo durdurro kasoo farcama Tanzania, Burundi, Uganda iyo Kenya, ayaa gebi ahaanba ku taalla Bariga Afrika.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

 

Facebook Comments