Xaftar oo Turkiga u diray hanjabaad culus kaddib markii uu Ruushku siiyey 8 miig & Turkiga oo hanjabaad kale uga jawaabey!! + Sawirrada dayuuradaha la siiyey

0

(Ankara) 21 Maajo 2020 – Hoggaamiye kooxeedka Khalifa Haftar ayaa si wayn ugu hanjabey bartilmaamaha iyo danaha Turkiga ee Libya, kaddib markii uu helay 8 dayuuradood, si uu wax uga qabto guuldarrooyinka xiriirka ah ee soo gaarey.

“Saacadaha yar ee soo socda, waxaad arki doontaan weerar cireedkii ugu ballaarnaa taariikhda Libya,” ayuu ku falax gooddiyey madaxa Haftar ugu qaybsan cirka Saqr al-Joroushi, kaasoo sheegay in Turkigu uu bartilmaameed idman u noqon doono dayuuradohooda.

Turkey oo warkan isla iminka ka jawaabey ayaa Khalifa Haftar xusuusiyey in ay bartilmaameedsan doonaan haddii uu isku taabto danaha dalka Turkiga oo ay “cawaaqib xumi ka raaci doonto.”

“Waxaannu markale ku celinaynaa inay cawaaqib xumi xigo doonto haddii la weeraro danaha Turkiga. Goodinta dhanka Haftar-na waxay muujinaysaa heerka khasaaraha gaarey,” ayay u dhigan tahay farriin lasoo dhigay webka Wasaaradda Dibedda Turkiga oo horayna Haftar ugu digey markii uu duqeeyey meel u dhow Safaaradda Turkiga ee Tripoli.

Ruushka ayaa la sheegayaa inuu Haftar siiyey ugu yaraan 6  MiG-29 oo xilligii Soofiyeetka la sanceeyey iyo 2 Sukhoi 24 oo uu kasoo dhiibey saldhiggiisa Hmeimim ee Suuriya, sida uu Wasiir Gudeedka Libya, Fathi Bashagha u sheegay Bloomberg.

Kabtan Muhammad Qanunu, afhayeenka Ciidanka GNA ee dowladda oo ag taagan Mig-23 ay ku qabsadeen Al-Watiya.
Sukhoi 24
Sukhoi 24
MiG-29

Hadalsame Media