”Hadalka Xasan Sheekh wuxuu anfacayaa Kenya!” – Aqoonyahan dhaliilay qaabka uu Madaxwaynihii hore uga hadlay arrinta Dacwadda Badda

0

(Hadalsame) 21 Maajo 2020 – HASSAN SHEIKH HADALKIISA DHAWAC MAKU YAHAY DACWADDA BADDA SOOMAALIYA?

Waxaa run ah in murunka la geliyay badda Soomaaliya si dadban ama si guudba uu qayb uga ahaa Hassan Sheekh Maxmuud, waxaa wax lala yaabo ah in uu maanta ka hadlo arrimahaas, ayadoo aan ognahay inay wali furan tahay dacwaddii u dhaxeeysay Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa kaloo foolxumo ah ayadoo ay dowladda iyo garyaqaano caalami ay ku mashquulsan yihiin difaaca bada Soomaaliya, inuu Hassan Sheikh uu bannaanka soo dhigo sirta dalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo ayaan darro ah inuu Dowladda Soomaaliya ku cadaadiyo inay soo bandhigaan sirta u gaarka ah dalka Soomaaliya ee la doonaayo in lagu difaaco bada Soomaaliya.

Waxaa kaloo ayadana nasiib daro ku ah dalka Soomaaliya inuu Hassan Sheekh abuurayo tafaraaruq dhaawici kara wadajirka umadda iyo u midoowga badbaadada Soomaaliyeed.

Hadaba hadalladda Hassan Sheekh yay faa’ido u tahay?

1 – Hadalkiisa waxay faa’ido u tahay inuu cadawga iyo shisheeyaha naga dhex arko kala qaybsanaan?

2 – Anagoo og sida uu fariintiisa u gudbiyay meel fagaaro, asagoo awood u leh inuu si gaar -gaar ah ula kulmo xildhibaano iyo gudiyada arimahaas shaqada ku leh.

3 – Anagoo og in qareenadii hore qaarkood ay xiriir hoose ka dhaxeeyay dowlada Kenya iyo shirkadahii macaaliisha la leh dowladda Kenya inuu ku doodo soo celintooda.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur Abuukar Qaasim

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa ra’yiga qofka ku saxiixan

Hadalsame Media

Facebook Comments