Golaha Amaanka ee QM oo hal dhaqan ku canaantay DF Somalia (Madaxwaynaha oo baaq loo jeediyey)

0

(New York) 21 Maajo 2020 – Xubnaha Golaha Amaanka ee QM ayaa DF Somalia ku dhaliilay istaagnaanta wada hadal iyo wada shaqayn dhex marta iyada iyo xubno ka tirsan Maamul-goboleedyada.

Gaar ahaan dalka Maraykanka oo ka mid ah dalalka rigliga ah ee Golaha Amaanka ayaa Madaxwaynaha Somalia, Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku boorriyey inuu qabto kulan isu keenaya madaxda Maamul-goboleedyada.

Baaqan ayaa imanaya xilli uusan wanaagsanayn xiriirka qaar ka mid ah madaxda sare ee Maamul-goboleedyada ka jira Somalia, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.

Dadka arrimaha Somalia u dhuun daloola iyo Soomaalida wax-garadka ah ayaa labada dhinacba ku eedeeynaya qaybta ay ku leeyihiin daba-dheeraanta khilaafka.

Maamullada qaarkood ayaa inta badan door bida inay kubad dhagax la ciyaaraan DF, halka hoggaanka DF lafteeda lagu eedeeyo jajabnaan la’aan ku aaddan in waxyaabaha qaar wada xaajoodyo joogto ah lagu wajoho.

Golaha Ammaanka ayaa dhanka kale soo dhoweeyay guulihii Ciidanka Xoogga Soomaaliya (SNA) iyo AMISOM ka gaareen howlgalladii Shabeellaha Hoose.

Hadalsame Media