”DF yaysan garaadkeenna ku ciyaarin!” – Daahir Geelle oo dood ka keenay sida loo wado Dacwadda Badda

0

(Hadalsame) 21 Maajo 2020 – Wasiirkii Warfaafineedkii hore ee Somalia, Daahir Maxamuud Geelle, oo ka mid ah ragga xilligan aad u dhaliila DF Somalia, ayaa fikirkiisa ka dhiibtey kiiska dacwadda badda Somalia iyo Kenya oo markii 3-aad oo xiriir ah dhegeysigeeda la baajiyey.

Qoraal dheer oo uu ku faafiyey Degellada Dadwaynaha ayuu Md Geelle ku dalbaday in ay Dowladdu, gaar ahaan MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga baahan yahay inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo halka ay iminka wax marayaan oo dadka inta badan ka dedan, sida uu isagu qabo.

”Dowladdu waxay caayeysaa garaadka dadkeenna. 3 jeer ayaa dib loo dhigay dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato. Si kale haddii loo dhigo, ma jirto hal tallaabo oo horay loo qaaday oo arrintaas la xiriirta tan iyo intii ay dowladda jirtaahi talada qabatay,” ayuu ku bilaabay Geelle.

Geelle ayaa intaa daba dhigay oo uu DF ku eedeeyey inay u jilicsanaatay dhiggeeda Kenya, waloow uusan keenin wax caddaynaya taas, isagoo yiri:

”Taas baddelkeeda waxaa loo nuglaaday Kenya oo mar walba rabitaankeeda la tix gelinayay. Saddexda jeer ee dacwadda dib loo dhigay waxay ku dhacday codsiga Kenya. Dowladdu waxay sheegeysay in ay diiddan tahay dib u dhigistaas, mase jirin wax caddeynaya in ay diiddan tahay.

Geelle ayaa dul istaagey hal arrin oo uu saluugsan yahay, taasoo ah inaan dadka si ku filan looga xog-siinin waxa socda, sida uu u dhigay.

”Daahfurnaanta arrintani aad ayay u yarayd walina u yar tahay waxaana ku gedaaman shaki iyo mugdi badan. Waxaa muuqata in xukuumaddu arrinta badda u adeegsatay dicaayad iyo in ay isu muujiso in ay shaqo fiican hayso, balse wax kasta oo ay sameysay waxay dhalinayaan shaki weyn,” ayuu ku dooday.

Arrin kale oo ay doodi ka taagan tahay waa bedelitaanka qareennadii Somalia ku metelayey kulan-dacwadeedyadii hore, kuwaasoo aysan DF si wanaagsan u faahfaahin.

”Dadkii faylkan gacanta ku hayay waa la kala diray sida Xeer Ilaaliyihii guud iyo qareennadii Soomaaliyeed ee kartida lahaa. Bulshada lalama wadaagin dadkii lagu baddelay, ka qeyb galkii bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waa la joojiyay, mana jirto xog shacabka lala wadaagay oo ku saabsan kiiskan,”  ayuu ku qiil samaystay Md Geelle.

”Shacabka Soomaaliyeed waa ka garaad badan yahay in loo been guuro oo hadba loo sheego sheeko darfo go’an. Qaddiyadda baddu way ka weyn tahay wax ay madaxdu isku koobaan. Waa masiir ummadeed oo ay shacabka oo dhami u dheg taagayaan,” ayuu yiri, isagoo daba dhigay baaq ku wajahan MW dalka, Md Farmaajo.

”Mudane Madaxweyne, Dadka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan dhiirranaan iyo daahfurnaan intaan ka badan iyo in aad u caddeyso xaqiiqda qaddiyadda badda.” ayuu qoraalkiisa kusoo af-jaray Md Geelle.

Hadalsame Media