DAAWO: Turkiga oo samaystay HUB istaraatiji ah oo ay dunida dhanba 3 dal oo qur ihi ka haystaan

0

(Ankara) 20 Maajo 2020 – Turkiga ayaa samaystay qoriga magnat-danabeedka ku shaqeeya ee Railgun, kaasoo gaari kara masaafo dhan 100 KM ama ka badan, isla markaana lagu dili karo maraakiibta, miigagga iyo gantaalaha baalistigga ah. Waxaa sidoo kale lagu xiri karaa maraakiibta.

Qorigan oo uu ka dhacayo madfac ku socda Mach 7.5 ilaa Mach 8.5 (2,520 m/s), ama 8 jeer ka badan guuxiisa ka dheereeya, ayay sidaa darteed adag tahay in la iska difaaco ama la qabto xawaaraha badan dartii.

Maadaama uu ka samaysan yahay bir cufan oo aanu lahayn wax elektaroonig ah oo la socda, wuxuu kugu iman karaa adiga oo aan ogaanin, mana looga hortegi karo dagaal danabeed ama tashwiish.

Turkiga ayaa noqonaya dalkii 4-aad ee qorigan oo weli dunida ka maraya marxaladdii daraasadda samaysta kaddib Maraykanka, Shiinaha iyo laga yaabee Hindiya ee haysta railgun shaqaynaya.

Qoriga SAPAN ee Turkiga ayaa ku baasay tijaabadii isagoo ka dushey dhufays aasan oo weliba shub ah oo ay dhumucdiisu dhan tahay 1 mitir, waxaana weliba lagu wadaa inuu sameeyo tijaabooyin kale oo dhowr ah, maadaama uu leeyahay qiime istaraatijiyadeed oo aad u sarreeysa.

Xabadda Railgun-ku malaha baaruud, balse waa bir kaligeed ah oo ridisteeda uun loo isticmaalay magnat-danabeed, sidaa darteed, dhanka dusidda oogooyinka adag iyada ayaa kun jeer uga fiican madfac kasta oo maanta jira, waxaa kale ay wax ku dishaa xoogga daafadda ay goobta kula dhacday, taasoo ka dhigan in ay dilayso xitaa dadka joogta meesha ay ku dhacdo, balse aysan iyaga jir ahaan ku dhicin (impact).

Hadalsame Media