“Maxaa mar kasta loo aqbalayaa codsiga Kenya?” – DF Somalia oo ay su’aal adagi hortaallo, arrin ay samaysay oo shaki abuuray & tillaabo ay qaadi jirtey dowladdii ka horreeysey oo…

0

(Hadalsame) 20 Maajo 2020 – Bismillah, Maxkamadda Caddaaladda Dunida (ICJ) ayaa maanta markii 3-aad dib u dhigtay dhageysiga dacwadda badda ee ka dhaxeysa #Soomaaliya iyo #Kenya. Saddexda jeerba waxaa codsiga dibu dhigista lahaa Kenya.

Kolka, waxaan isweydiiyay: sidee ku dhacday inay maxkamaddu 3 goor aqbasho codsiga Kenya. Si kale haddii loo dhigo, maxay 3 goor ku diidday codsiga Soomaaliya? Ma Kenya ayaa naga afmiinshaarsan? Mise way naga qareenno fiican tahay? Mise wax kale oo la qarinayo ayaa meesha ku jira?

Tuhunka la qabo waxaa sii xoojinaya in 3-dii qof ee Soomaalida ahaa ee uu Madaxweyne Xasan Sheikh u magacaabay dacwadda, inuusan midkoodna maanta ku lug laheyn dacwadda.

Dadkaas waxay kala yihiin: 1. Muna Sharmaani oo ay aheyd qareenka hormuudka u ahaa difaaca gayi badeedkeenna. 2. Axmed Cali Dahir, xeer ilaaliyihii hore iyo Dr. Cali Faqi, Danjirihii hore ee Midowga Yurub. Dowladdu ma sheegin cid ay ku beddeshay kooxdaas.

Intaas waxaa dheer, dowladdii Madaxweyne Xasan Sheikh waxay dhageysiga dacwadda u diri jirtay dad fara badan oo isugu jira bulshada rayidka ah, warbaahinta iyo qurba-joogta. Yoolku wuxuu ahaa in, maadaama uu kiiska badda xasaasi yahay, in markhaati badan loo yeelo, illeen xalaal barqa cad ayaa la quutaaye!

Madaxdeenna sharafta leh waxaa la gudboon inay arrintan fagaare uga hadlaan, waliba si furcaddi leh. Haddii kale, waxay noqoneysaa “ninkaa dhuumanayee, dhabarkiisu muuqdo, waa dharaar lagu dhowrayaaye”.

Wabillahi Towfiiq

Waxaa Qoray: Cabdi Caynte, Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media