Dal aan laga filaynin oo Masiixi ah oo Ciidaha Muslimka u aqoonsaday FASAX QARAN

0
Masjirka Dzhuma Han Mosque ee Simferopol, Crimea, Ukraine.

(Kiev) 20 Maajo 2020 – Dalka Ukraine ayaa laba ciidood ee Islaamka ee Ciidda Soon-fur iyo Midda Adxa, wuxuu ka dhigay fasax qaran oo uu dalka oo dhami nasanayo, sida uu sheegay MW Volodymyr Zelensky oo ka hadlayey 18-ka Maajo oo ku beegan Maalintii Xasuuqa Qoowmiyadda Tataarka Crimea oo iminka Ukraine uu xoog uga qaatay Ruushku.

Zelensky oo la kulmay dadka Tataarka ah ayaa ugu laab qaboojiyey inuu doonayo inuu qof kastaahi dareemo inuu yahay muwaaddin u dhashay Ukraine, isaga oo aan ilaawayn taariikhda iyo dhaqankiisa soo jireenka ah.

Islaamka ayaa ah diinta 2-aad ee ugu ballaaran dalka Ukraine kaddib Masiixiyadda, maadaama ay dadka deggan jasiirad u ekada Crimea ay badankoodu Muslimiin yihiin.

Zelensky ayaa sheegay inuu sidoo kale u kuurgeli doono dhibaatooyinka dhaqaale, bulsho, sharci ee ay wajahayaan dadka Tataarku.

Madaxda Qooqmiyadda Tataarka, Mustafa Dzhemilev, ayaa u mahad celiyey Madaxwaynaha, wuxuuna sheegay inuu quud darraynayo in lasii wado u doodidda sidii ay Crimea dib ugu soo noqon lahayd Ukraine oo aan taa ajendaha marna laga saarin.

Ruushka ayaa Jasiirad u ekaha Crimea waxay ka goosatay Ukraine sanaddii 2014-kii, kaddib markii xilka laga eryey Viktor Yanukovych iyadoo uu Ruushka oo tillaabadaa u arkay mid ay reer Galbeedku ku qallibeen madaxwayne dhankooda u janjeerey arrintan uga aar gutey.

Ma jiro dal Crimea u aqoonsan geyi ka tirsan Ruushka.

Masjirka Dzhuma Han Mosque ee Simferopol, Crimea, Ukraine.

Hadalsame Media