”Waxaan qabannay hub & rasaas Imaaraadku leeyahay” – Libya oo Golaha Amaanka u gudbinaysa dacwo rasmi ah!

0

(New York) 19 Maajo 2020 – Ergayga Joogtada ah ee Libya u fadhiya QM, Taher Al-Sunni, ayaa xog-siin gaaban siin doona Golaha Amaanka ee QM wuxuu hoosta kaga xarriiqayaa dembiyo dagaal oo uu sheegay inuu galay Dagaal-ooge Khaliifa Xaftar oo ay iminka ciidankiisu lug dambeedinayaan.

Al-Sunni oo tweets badan uga hadlay guusha ay ciidanka Libya ku qabsadeen Saldhig Cireedka Al-Watiya oo ay 6 sanadood haysteen ciidamada LNA ayaa yiri, “waxaannu bixin doonnaa xogaha hubka aannu qabsannay oo muujinaya sida ay dalal kale ugu lug leeyihiin dilka dadka aan waxba galabsan ee Libyan-ka ah.”

Sunni ayaa intaa raaciyey inay Talaadadan ay Golaha Amaanka ee QM xog ka siin doonaan xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Libya wax uu ku sheegay xad-gudubyo is xig xiga oo ay gaysteen Xaftar iyo malliishiyaadkiisa.

Wuxuu sheegay inay soo bandhigayaan tafaasiil cad oo muujinaysa hub iyo rasaas uu Imaaraadku siiyey ciidamada Xaftar oo ay shalay kula wareegeen Al-Watiya.

Hadalsame Media