Silvia Romano oo Qur’aanka kula kalaantey kuwii maagay (Arag aayadaha ay u daliishatey)

0

(Milano) 19 Maajo 2020 – Hadal-heynta warbaahinta dalka Talyaaniga waxaa qabsaday sheeko ku saabsan Silvia Romano oo boggeeda Facebook-ga kusoo qortay aayado quraan ah oo ay ku fasirtay luuqaddeeda.

Ficilkan ayaa u muuqda mid ay Romano ugu jawaabeyso dadka hanjabaadaha iyo dhaleeceynta ugu jeedinaya baraha bulshada.

Silvia ayaa dhawaan dib ugu laabatay dalkeeda kaddib markii laga sii daayay afduub muddo labo sano ah loogu heystay Soomaaliya.

Muran hor leh ayey horseedday markii ay soo qortay aayadaha quraanka ah oo dadka ay fikrado badan oo kala duwan ka qaateen ujeeddada ay ka leedahay.

Labada aayadood ee ay ku fasirtay luuqadda Talyaaniga ayaa ku jira suuradda Fusilat.

Shukri Siciid, oo ah wariye madax bannaan oo ku sugan Talyaaniga ayaa BBC-da u sheegtay in siyaabaha loo fasirtay ujeeddada Silvia ay ka mid tahay in laga shakisan yahay inay difaaceyso qolyihii afduubtay.

“Hadalkeeda macnihiisa anigu waxaan u fasirtay in maadaama dadka xagjiriinta lagu tilmaamo ee loo aaminsan yahay inay yihiin dad xun ay iyadu leedahay dadkaas aad cadowgaaga u aragtid ee aniga xorriyaddeyda iga qaaday waxaa dhici karta inay saaxiibbadaada dhow noqdaan, laakiin samir bay u baahan tahay. Marka waxaad meeshaas ka dhuuxeysaa in iyada iyo nimankii heystay oo ay u afduubneyd ka gudbeen xadkii qof la heysto iyo qof wax heysta,” ayey tiri Shukri.

Wargeysyada kasoo baxa talyaaniga ayaa aad u falanqeynaya tallaabadan ugu dambeysay ee ay qaadday Silvia, xilli markii hore uu taagnaa muran xoog leh oo ka dhashay islaamnimadeeda.

Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa dhawaan furtay baaritaan ku aadan hanjabaad ka dhan ah Silvia Romano, sida ay qortay wakaaladda wararka ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA.

Kiiska ayaa ilaa hadda socda, waxayna gabdhan ay mar kasoo muuqatay maxkamadda kiiskeeda dhageysaneysa.

Naceybka Silvia loo muujinayay ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxayna dad badan ku doodayeen in ay khalad ahayd sii deynteeda iyo dadaalkii ku baxayba.

Ciidammada sirddoonka Talyaaniga ayaa sheegay in soo daynta gabadhaasi ay gacan ka gaysteen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Silviya ayaa markii ay dib ugu laabatay magaalada ay kasoo jeeddo ee Milan waxaa lagu soo warramay inay la kulantay culeys uga imaanaya dhinaca bulshada, maadaama lagu dhaliilayo inay diinta islaamka qaadatay xilli afduub loo heystay.

Warbaahinta dalkaas ayaa soo tabisay in mar gurigeeda lagu tuuray quraarado.

Guddiga bulshada muslimiinta ah ee magaalada Milan ayaa soo dhaweyn u sameeyay Caa’isha, waxayna ballan qaadeen inay difaaci doonaan rabitaankeeda.

Laakiin farriin ay u dirtay ayey ugu sheegtay inaysan wax garab ah u baahneyn xilligan, oo iyadu ay isku filantahay, waxayna uga mahad celisay jacaylka ay u muujiyeen.

Bartamihii bishan, Xildhibaan ka tirsan garabka midig ee dalka Talyaaniga ayaa canaan weyn la kulmay kaddib markii uu “Argagixiso cusub” ku tilmaamay Silvia.

Alessandro Pagano, oo ah mudane baarlamaanka u matalaya xisbiga qaxootiga neceb, ayaa soo hadal qaaday Silvia Romano, mar uu ka cabanayay waxa ay dowladda uga caga jiideysay in dib loo furo kaniisadaha, xilligan lagu jiro xayiraadda uu sababay cudurka coronavirus, inkastoo markii dambe la furay.

Pagano wuxuu sheegay in “fikir diin naceyb ah” uu ku jiro xukuumadda isbahaysiga ah ee hadda dalka Talyaaniga maamusha, wuxuuna intaas ku daray in “sidaasoo ay tahay markii ay gabadha argagixisada cusub ah dalka dib ugu soo laabatayna…”

Hadalkiisa ayaa u muuqday mid uu ku durayay go’aanka ay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda ku salaameen Silvia Romano, islamarkii ay garoonka diyaaradaha kasoo dagtay.


Caa’isha Romano oo waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfurta bari ee Kenya.

Koox hubeysan ayaa bishii November ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya.

Waxaa la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte iyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda ayaa garoonka diyaaradaha uga hor tagay markii ay Silvia kasoo dageysay magaalada Rome ee caasimadda dalkaas.

Wararka la xiriira Silvia (Caa’isha) ayaa isasoo tarayay isbuucyadii lasoo dhaafay, bulshada Talyaaniga ayaana u muuqda inay ku kala qeybsan yihiin xaaladdeeda, xilli qaarkood ay dhaliilayaan kuwo kalena difaacayaan.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media