Maxaa ka jira inay Dahabshiil ay xurmo darraysay calanka Somalia? (Arrin ay doodi ka taagan tahay?)

0

(Amesterdam) 19 Maajo 2020 – Xawaaladda Suri-Change ayaa boggeeda soo dhigtay calamada dalalka ay lacagaha u xawisho kuwaasoo wada sita calamada dalalkooda.

Shirkaddan oo laga leeyahay dalka yar ee Suriname ee Laatiin Ameerika ayaa qoraalkan soo dhigtay webka xarunteeda dalka Holland.

Arrinta xiisaha badani waxay tahay in dal kasta oo ay lacag u xawisho ay ku dhejisey calankiisa, halka Somalia ay ku dhejisey calanka shirkadda Dahabshiil, taasoo ay dad badani la yaabeen.

Waxay dadka qaar sheegeen inay shirkaddani wada shaqayn la leedahay Dahabshiil oo iyadu shirkadda u gudbisey astaanteeda, halkii laga adeegsan lahaa calanka Somalia, halka ay dad kale sheegayaan inay Suri-Change iyadu sidaa go’aansatay, balse taana waxaa diiddan aragtida ah in aanay jirin sabab ay xawaaladi mid kale oo caalami ah oo iyada la xafiiltamaysa astaanteeda ugu adeegsato calan ahaan.

Shirkada Suri-Change waxay lacagaha u xawishaa ilaa 70 dal oo dunida ah.

Arrintan ayay doodi iminka ka taagan tahay, annagoo la xiriirney Dahabshiil balse aan weli jawaab ka helin.

Hadalsame Media