Kenya oo markale ku guulaysatey in dacwadda badda dib loo dhigo (Goorta cudub ee la muddeeyay)

0

(Hague) 19 Maajo 2020 – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ ayaa markale dib u dhigtay dhegeysida dacwadda badeed ee ka dhexeeysa Somalia iyo Kenya.

Maxkamadda ICJ ayaa sababta dib u dhiggan u cuskatay codsi ka yimid dalka Kenya oo ah dalka dacwadda loo haysto oo ku andacoodey in dhegeysiga dib loo dhigo sababo la xiriira durayga Coronavirus, sida ku cad warqad loo kala diray labada dowladood.

BALLANTA CUSUB – ICJ ayaa dacwadda dib ugu riixday ilaa sanadka xiga ee 2021 bisha Maarso 15-keeda.

Dib u dhigistan oo aan ahayn middii ugu horreeysey ayay dad badani aaminsan yihiin inay Kenya cimri dheeri ka raadinayso, iyadoo ku tala jirta inay hesho xal kale, maadaama ay hubto inaysan wax sharci ah doodeedu ku taagnayn.

 

Hoos ka eeg jadwalka cusub ee dhageysiga dacwadda:

Isniin, 15-ka Maarso, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17-ka Maarso ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

Khamiis, 18-ka Maarso, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19-ka Maarso, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.

Hadalsame Media