Imaaraadka oo markii ugu horreeysey taariikhda caawa ka degaya magaalada Tel Aviv (Ujeedada)

0

(Abuu Dabeey) 19 Maajo 2020 – Dayuuradda Etihad Airways ayaa caawa markii ugu horreeysey taariikhda ka degeysa dalka Israel, tan iyo markii la aasaasay sanaddii 1947-kii.

Dayuuraddan ayaa caawa duullimaadkan taariikhiga ah ku tegeysa gegada Ben Gurion Airport (A6-AYP) ee caasimadda Tel Aviv, iyadoo ka duulaysa Garoonka magaalada caasimadda ah ee Abuu Dabeey ee Abu Dhabi International Airport.

Duullimaadkan oo ah midkii ugu horreeyey ee toos ah ee abid isku xita Imaaraadka iyo Israel ayaa Abuu Dabeey ka duulaya saacadda maxalliga ihi marka ay tahay 7 P.M, waxaa la sheegay inay agab caafimaad oo lagula tacaalayo Covid-19 u siddo Falastiiniyiinta ku dhaqan Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

Warqaadka Haaretz ayaa sheegaya in tiiyoo aanay labadan dal xiriir rasmi ah oo diblomaasi ah lahayn, ay misna wadaagaan xiriirro badan oo daaha gadaashiisa ah, iyadoo ay sidoo kale madax labada dhinac ihi booqasho ku kala bixiyaan labada dal.

Tusaale, Israel waxay wakiillo rasmi ah ku leedahay Ururka QM ee Abuu Dabeey, halka lagu marti qaaday Carwada caalamiga ah ee Dubai Expo ee sanadkan.

Hadalsame Media