DIB U EEGIS: Halka uu salka ku hayo khilaafka MW Deni & Xigeenkiisa Karaash (Daawo warbixin taariikhaysan)

0

(Garoowe) 19 Maajo 2020 – Waxaa iminka dibedda u soo baxay khilaafka MW Puntland, Md Deni iyo MX, Md Karaash, taasoo aad usoo ban baxday kaddib markii bogga Facebook ee Madaxtooyada Puntland laga tiray tacsi uu Karaash ka gaystey geeridii AUN Guddoonkii Mudug oo qarax lagu diley isaga iyo dad kale.

Yeelkeede, sida uu Faarax Gaylaan warbixintan ku eegayo khilaafkani wuxuu soo jiitamayey muddo bilo ah, isagoo marba heer maraya.

Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa isku dayey inuu khilaafka dhex galo, waxaana sida warbixintan ku cad taa ogolaaday MX, balse waxaa diidey MW Deni oo sheegay in ”Dastuurka lagu kala baxayo”, waloow aanu jirin hannaan noocaas u dhisan iyo Maxkamad Dastuuri ah.

Dad badan oo maxalli ah iyo kuwo heer qaran ah oo ay ku jiraan madaxda Puntland ku metesha DF, ayaan la dhacsanayn sida uu wax u wado MW Puntland oo horraantii Jannaayo si aan sharci ahayn xilkii xoog uga qaaday Guddoonkii Baarlamanka, Md Dhoobo Dhaareed, waxaana wixii xilligaa ka dambeeyey isa soo tarayey khilaafaadka ka dhexeeya Puntland & DF iyo Madaxda sare ee Puntland.

Halkan hoose ka daawo sida ay wax u dheceen oo taariikhaysan:

Hadalsame Media